Kootada Haweenku Ma Dastuuribaa Mise Waa Qayrul Dastuuri?

0
Wednesday July 22, 2020 - 13:32:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kootada Haweenku Ma Dastuuribaa Mise Waa Qayrul Dastuuri?

    Qareen/Bare Sharci: Khadar Mohamed Ahmed (Carrabey) (LLB, MDS, MICHA)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qareen/Bare Sharci: Khadar Mohamed Ahmed (Carrabey) (LLB, MDS, MICHA)

Waxaa mudo dheer hadalhaynteedu taagnayd sidii ay ku heli lahaayeen haweenka reer Somaliland xaqooda siyaasiga ah ee uu Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland u damaanad qaaday, helitaanka xaqaasi oo ay ka hor taagan yihiin caqabdo badan oo ay ka mid yihiin dhaqanka bulshada oo aan haweenka u aqoonsanayn in ay leeyihiin xaqa ay ku hanan karaan mansab siyaasadeed iyo hanaanka doorashooyinka somaliland oo uu qabiilku door wayn ka ciyaaro, loona arko haweenku in aanay mudnayn in ay matalaan qabiiladd ay ka soo jeedaan ama ay u dhaxeen, halka ay siiyeen mudnaanta dhaqanka iyo qabiilkuba ragga.



Dawladana waxaa marar badan lagu dhaliilaa in aanay haweenka siin xaqoodii dastuurku u damaanad qaaday ee sinnaanta dhinaca matalaadda siyaasadda. Sababtoo ah waxay ka gaabisay in ay la timaado hannaan ay ku suuro-galiso in ay haweenku helaan xaqaasi siyaasiga ah si looga guulaysto caqbadaha ka hor taagan haweenka xaqooda siyaasiga ah loona yareeyo faraqa u dhexeeya iyaga iyo ragga marka loo eego xaga siyaasadda.


Hadaba waxaa jirtay in todobaadkii hore gudidda La Baxday Gudida qoondada Haweenka Ee Golaha wakiillada Gudidaas oo Ka Kooban Nagaad iyo Xubno Golaha Wakiilada ah ay usoo gudbiyeen aqalka wakiillada kootada haweenka ee dhinaca siyaasadda si xal loogu helo dheelitir la’aanta matalaadda siyaadda ee ragga iyo haweenka.



1. Balse waxaa intaasi oo dhan ka soo hor maray muran sharci oo bulshada ku abuuray shaki ah sharcinimada ama dastuurinimada kootada haweenka

ee dhinaca siyaasadda. Waxaa jira sidoo kale kala aragti duwanaan sharci oo ka dhex jirta sharci-yaqaanadda dalka.


Haddaba waxaynu halkan ku iftiimin doonaa kootada macnaheeda iyo dastuurinimadeeda ama sharcinimadeeda inagoo fasiraad sharci ka bixin doona, inagoo dhanka kalena soo qaadan doona qaar ka mid ah aragtiyaha inaga duwan ee sharci-yaqaanada dalka qaar qabaan si aynu barbar dhig ugu samayno una tilmaano saxsanaantooda ama dhaliilahooda sharci.


QAYBTA 1 AAD: MACNAHA IYO FASIRAADDA DASTUURINIMADA KOOTADA HAWEENKA

1.Waa Maxay kooto?

Siin mansab ama matalaad siyaasadeed ama u garasho iyadoon lagu tartamin oo ay macnaheedu tahay in haweenka la siiyo ama loo garto kuraas ay iyagu gudahooda ama dhexdooda ku tartamaan si ay u helaan matalaad siyaasadeed


2.Kootadu Ma Dastuuribaa Mise Waa Qayral Dastuuri?


Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu damaanad qaadayaa xaqa sinnaanta muwaadiniinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda, Sida uu dhigaayo qodobka 8 aad faqradiisa 1 aad iyo 2 aad ee dastuurka Jamhuuiriyadda Somaliland kaasiyoo odhaanaya sidan;


"1. Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.


2. Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee soo jireenka ah waa waajib Qaran….”

2


Haddaba si loo fuliyo sinnaanta uu tilmaamaayo qodabkani taas oo

uu waliba si cad uga dhigaayo fulinteedu in ay tahay waajib qaran. Sidaa awgeed dawladda waxaa ku waajib ah iyadoo fulinaysa waajibaadkaasi dastuuriga ah in ay la timaado tab iyo xeelad ay ku suuro gali-nayso sidii ay bulshada uga dhex abuuri lahayd sinnaan iyadoo Meeshana ka saaraysa caqabad kasta oo hor taagan amaba keeni karta in ay sinnaan la’aani ka dhex jirto bulshada.


Haddaba markaan eegno qodobkan waxaynu leenahay kootada haweenku waa dastuuri sababtoo ah waxay suuro galinaysaa in ay haweenku helaan xaqoodii sinnaanta ee matalaadda siyaasiga ahayd taasoo u suuro-galinaysa haweenka in ay helaan xaqoodii musharraxnimo sida ku cad qodobka 22 faqradiisa 2 aad ee dastuurka.


Sidoo kale waa mid suuro-galinaysa loogana dan leeyahay sidii haweenka sare loogu soo qaadi lahaa dhinaca matalaadda kuraasta aqallada sharci-dajinta iyo goleyaasha deegaanka ee qaranka, una awoodi lahaayeen in ay soo gaadhaan ragga oo ay meel ka wada bilaabaan tartanka siyaasiga ah.


Sababtoo ah maanta haweenku meel kalama tartami karaan ragga, waayo dhaqanka ayaa haweenka geeyay meel ka dambaysa ragga. Hadaba si ay haweenku tartanka siyaasadeed meel ugala bilaabaan ragga waa waajib in haweenka ragga lasoo gaadh siiyo. Taasina ma keenayso oo kaliya cadaalad balse waxay keenaysaa sinnaantii dastuurku sheegay ,sababtoo ah tartankii isku meelbaa laga soo bilaabay kii dheereeyaana guulaysanaaya. Habkanna waxa lagu gaadhayaa sinnaantii uu dastuurku sheegay ee uu walibana waajib yeelay.


Kootada haweenku hadaba waxay ka dhigantahay fulin ay dawladdu fulinayso sinnaantii dastuuku uu damaanad qaaday balse ma aha sinnaantii oo wax loo dhimaayo ama faquuqid lagu duudsiinaayo cid xaqeedii, ee runtii waa xaq-siiin. Sababtoo ah ujeeddada laga leeyahay ayey tahay in aynu fahano marka hore. kalasaaristuna ma’aha mida togan oo kaliya balse waxaa jirta mid taban oo keenaysa

3


in laysa soo gaadho oo la sinnaado si cadaalad loo wada helo. Kootada haweenkuna waa mid taban oo lagu xaqiijinaayo sinnaanta jinsiyadeed (lab iyo dhadig) ee xagga siyaasadda si loo yareeyo faraqa u dhexeeya ragga iyo haweenka ee dhinaca matalaadda siyaasadda. Mana aha mid ragga xaq lagaga qaadaayee waa mid haweenka lagu siinaayo xaqoodii sinnaanta ee xaga matalaadda siyaasadda, sidoo kalena fududaynaysa in ay ka gudbaan caqabadihii ka hortaagnaa haweenka helitaankooda xaqaasi.


Dastuurkuna sidaynu hore u soo xusnay qodobkiisa 8 faqradiisaa 2aad wuxuu qaranka waajib kaga dhigayaa hirgalinta sinnaanta iyo cidhibtirka wax kastoo keeni kara sinnaan la’aan. Sidaa awgeed kootada haweenku waa mid ka mida waajibaadkii dastuuriga ahaa ee dawladda laga rabay si ay uu suuro galiso xaqa sinnaanta.


Hadaba kootada haweenku waa mid xaqiijinaysa in haweenka Somaliland helaan xaqoodii dastuuriga ahaa ee sinnaanta matalaadda siyaadda sid awgeedna waa mid dastuuri ah.


3.Ma Tahay Kootada Haweenku Mid Timid Xilligeedii? Haa, Sababahan soo socda awgood:

1. Dimuquraadiyadda aynu muddada dheer soo galbinaynay ayay muhiim u tahay in ay bulshadu hesho matalaad loo dhan yahay. Dimiquraadiyaduna waa in ay noqoto mid loo wad adhan yahay oo layska wada dhex arki karo,


2. Haweenka Waa dadka ugu badan bulshadeena, waana waajib in ay helaan xaqoodii dastuuriga ahaa ee sinnaanta matalaadda siyaasadda.


3. Waxay keenaysaa in ay haweenku helaan xaqoodii dastuuriga ahayd ee musharaxnnimo taasiyoo hirgalintiisa uu qaranku mar hore il duufay, balse tani waxay u saamaxaysaa maanta in ay ka qayb galaan doorashooyinka soo socda oo ay helaan matalaadoodii siyaasadeed, waxaanay qayb ka tahay fulinta qodobka 22 faqradiisa 2 ee dastuurka si ay haweenku u helaan xaqoodii in la doorto, halkay awal iyagu wax uun ka dooran jireen.


4. Waxay haweenka siinaysaa fursad labaad oo ah in muranka siyaasiga ah ee hada taagan ee saami-qaybsiga gobollada iyagana si gaar ah loogu

4


xisaabtamo oo loo qoondeeyo saamigii ay ku yeelan lahaayeen kuraasta saami ahaan uu gobolkoodu u helo.


Lasoco Qaybta Labaad.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...