TELESOM-Dharaaro Xusuustood - Pro-Maxamed Siciid Gees

0
Wednesday July 22, 2020 - 10:08:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TELESOM-Dharaaro Xusuustood - Pro-Maxamed Siciid Gees

    "Madaxweyne, Xawaaladdii mar hore ayey xidhantay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne, Xawaaladdii mar hore ayey xidhantay"

11 sep 2001 Waxa Dawladda Mareykanku xayirtay lacagihii ay lahaayeen Hay’ado badan oo samafalka ahaa ee magaca Islaamiga watay iyo xawaaladdo. Waxa xagga Soomaalida la tilmaamay oo xayiraad la saaray lacagteedii Xawaaladdii Barakaat.

 

Sida ku caan ah siyaasadda dunida ee Reer Galbeedku ka taliyo, dawladihii oo dhammi waxay wada qaadeen tubtii Mareykanku qaaday, cid walibana waxay is-tidhi yaanu Mareykanu ku qabsan ee raac. Waxa jirtay in Xawaaladda Barakaat iyo Tililefoonkeedu uu waqtigaas si xawli ah uga hirgalay Somaliland uu Marxuun Cigaal keenay Shirkii Golaha Wasiirrada arrinta Barakaat waxa laga yeelayo iyo in Mareykankii xayiraad saaray.

 

Doodii waad garan karta waxa ay isugu biyo-shubatay, in la xidho iyada oo loo arkaayey in Sharkadda Barakaat ka soo jeedo Soomaaliya, aniga oo ku darsaday doodii hadalkan; "Madaxweyne, Xawaaladdii mar hore ayey xidhantay, markii lacagtii laga xayiray ayey darteed isaga xidhantay, haseyeeshee Mareykanku ma soo qaadin oo wax kama sheegin talifoonka shirkada. Waxa kale oo xusid mudan waxa shirkadan wata qoladii Garxajis ee ay dawladda isqabteen haddana la heshiiyey, taasna xisaabta ha lagu daro.”

 

Marxuun Cigaal waxa uu ahaa nin dhaqanyaqaan ah oo Siyaasadda Bulshada Soomaaliyeed 50 sanno ku jiray, warkaygii ayaa dubuq yidhi, markaas ayuu soo gebegebeeyey doodii oo yidhi; "Waxba lagama sheegin telefoonka waa uu furnaanayaa.” Illaahay ha ka raali ahaado Marxuunku waxa uu oggolaa in la wada casheeyo ee aan cid gaar ihi keligeede cashayn.

 

Markii geeridii ku qabsatay magaalada Pretoria – South Africa, khadka qudha ee noo baxay si aan dalka ula soo xidhiidhno waxa uu ahaa khadka Telesom. Sidaas ayey ku badbaaday Telesom oo maanta la wada yaqaan kaalinta ay kaga jirto horomarka dalka. Anigu Telesom saami (share) kuma lahayn wax kalena nagama dhexayn, waxan uga hiiliyey oo aan uga dan lahaa bulsho wanaag iyo nabadgelyada Somaliland.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...