Somaliland , Doorasho Kale Oo Jujuub Ah Waxa Dhaanta Mid La Isaga Raali Yahay, Reer Awdalna Gar Bay Ku Taagan Yihiin !
W/Q: Mohamed Abdi Jama
Somaliland nidaamkeega dimuqaradiga ah iyo doorashooyinka in la
fashiliyo ayaa loogu talogalay , oo uu istaago iyada oo la eeganayo dano
kooban , mudo kordhin iyo maslaxado siyaasadeed oo marba cid gaar ahi
wadato.
Sanadkii 2005 markii la galayey doorashadii Golaha wakiilada waxa
lagu gallay xal doorasho oo hal mar lagaga gudbayey , kaasi oo ahaa sida
uu xeerku sheegayo in halkaasi mar oo kaliya lagu gali doono , waxii ka
dambeeyaana dalka laga sameyn doono tirakoob dadwayne oo guud si wax
loogu qaybsado.
Hawshii 15 sanadood halkii lagama qaadin oo waa kaa hadalkeegii
maanta taagan yahay, taasina maaha wax qabanaysa shacabka Somaliland
guud ahaan oo u baahan cadaalad iyo sinaan gobol waliba uu helo waxa uu
xaqa u leeyahay, masuuliyadeedana waxa leh xukuumadihii tan hadda ka
horeeyey iyo goleyaasha xeer dejinta qaranka.
Ma jiro gobolada Somaliland gobol ku qanacsan tirada kuraasida ee
looga qoondeeyey golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland iyo qaabka loo
qaybiyey 82 kursi ee golaha wakiilada oo ka soo jeeda 33 kursi ee
golihii wakiilada 1960kii oo 2.5 lagu dhuftay Gobol/Degmo waliba waxii
ay lahayd xiligaasi oo lafteeda aan loo bisleyn doorashooyin dadku aanay
fahansanayn .
Golada Somaliland waxa ay u kala heleen tirada kuraasida gobol waliba soo buuxin doono sidan;
Gobolka Maroodijeex 20 kursi
Gobolka Awdal 13 Kursi
Gobolka Saaxil 10 kursi
Gobolka Togdheer 15 kursi
Gobolka Sool 12 kursi
Gobolka Sanaag 12 Kursi
Diwaangalinta guud waxa ay u dan tahay dalka Jamhuuriyada Somaliland
oo dhan , sababtu waxa ay tahay marka la helo tirada tirada tirakoobka
dadka dalka ku nool ayaa waxa lagu jaangoyn doonaa in xildhibaanku codka
uu ku soo baxayo la jaangooyo , dhacdooyinka layaabka leh waxa ka mid
ah xildhibaan baa 6000 oo cod Hargeisa ku waayey kursi , halka gobolada
qaar ay xildhibaano kaga soo baxeen 2000 oo cod ! , taasina waxa keenay
nidaamkan xalka ahaa .
Gobolada Awdal iyo Selel xaq bay u leeyihiin in ay yidhaahdaan
doorashadii hore xal baa lagu galay ee tan wax ka wanaagsan hala helo ,
sababta oo ah inta markaa lagu galo xal ayaa gidaar la isaga tiirin
doonaa sidii hore u dhici jirtay oo arinkaasi cid damaanad qaadeysaa ma
muuqato .
Axsaabta siyaasada Somaliland kaliya iyaga waxa u cad in ay doorasho
iyo kuraasi helaan , xiligani lagu jiro oo ah marxalad kala guur ah
isla markaana ay bilo koobani ka hadheen xiligii la furi lahaa ururada
siyaasada ee Somaliland waxa aanu aaminsanahay in aanay kaligood noqon
karin sadexda xisbi qaran daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland ee ay
talada la leeyihiin muwaadiniinta u diyaarka ah in ururo siyaasadeed ay
furtaan iyo dadka Jamhuuriyada Somaliland.
Mohamed Abdi Jama
Hogaamiye Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...