Awrmale (Awrmaale)

0
Tuesday July 21, 2020 - 20:27:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Awrmale (Awrmaale)

    W/Q: Maxamed Sheekhdaahir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Sheekhdaahir

Awr-male (Awr-maale), oo Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe ah, oo Habar Jecle ah, oo Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya iyo Waqooyi Bari Kiiniya ku kala baahsan, oo ku kala sugan, ayaa Warsangali looga taag laayahay. Warsangali, waxa horey ugu gacan galey, oo ku maqan, oo ku dhex-milan: Muxumed Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe.



Sidaas darteed, Muxumed iyo Awrmale (Awrmaale), haddii ay isa soo haybsadaan, oo isa sheegtaan, oo is toleystaan, oo is mideeyaan, iyaga ayaa isku isir ah, oo iyaga ayaa isku beel ah, oo iyaga ayaa tol ah; oo iyaga ayaa isku Aadan-madoobe ah. Laakiin Warsangali intiisa kale iyo Awrmale, meelna iskama soo galaan, oo Habar Jecle iyo Harti bay kala yihiin; oo Dir (Isaaq) iyo Daarood bay kala yihiin.


Taariikh ahaan, Beesha Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe), ee Habar Jecle, waa beel fac weyn, oo xadaarad ayay lahaan jirtey, oo dakad iyo maraakiib ayay lahaan jirtey, oo Carabaha iyo Hindiya ayay xidhiidh ganacsi la lahaan jirtey, oo saldanaddii Habar Toljecle (Toljecle) ayay u talin jirtey, oo qarnigii 19aad ayaa dagaal sokeeye lagu qaadey, oo Habar Toljecle (Toljecle) ayaa iskugu wada tagtey, oo afarta jihood u kala qaxisey.


Markii afarta jihood loo kala didiyey, ayaa haddana taariikhdeedii iyo abtirsiinteedii la nasakhey, oo Aadan-madoobe la kala qeyb-qeybiyey, oo la kala qob-qobey, oo la kala qariyey, oo la kala qolo-qoleeyey.


Sidaas darteed, Beesha Aadan-madoobe, way kala wada luntey, oo way kala dibbootey, oo way kala baadiyowdey, oo way kala wada xidhiidh-furatey, oo - nasiib darro - dibna iskuma aanay soo wada haybsanin, oo dibna iskuma aanay soo wada urursanin, oo dibna iskuma aanay wada toleysanin, oo dibna iskuma aanay wada mideynin.


Hadal waa murti’e, Beesha Aadan-madoobe, deegaan kasta ha ku dhaqnaato’e, waa in aanay beeshu xaqiiqadaas marna illoobin, oo runtaas aanay taseynin, oo aanay sahashanin, oo aanay yareysanin, oo aanay fududeysanin.


Iiguma danbeyn, Beesha Aadan-madoobe, inay kala tafaraaruqsan tahay, oo kala maqan tahay, oo kala qolo-qoleysan tahay, waa inay xasuusnaataa; oo aanay hilmaamin.


Aadan-madoobe, waa saddexdan jilib:

1- Cabdille Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-madoobe)

2- Xasan Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-madoobe)

3- Ibraahim Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-madoobe)

Alla ha u naxariista'e, Salaan Carabey ayaa yidhi:

Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha'e
Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane
Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide
Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.


W/Q: Maxamed Sheekhdaahir

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...