Axmed Xasan Carwo Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Aadan warsame Siciid

0
Tuesday July 21, 2020 - 12:57:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Xasan Carwo Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Aadan warsame Siciid

    "Aadan waxuu ahaa nin afgaaban"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aadan waxuu ahaa nin afgaaban"

Waxaan tacsi la wadaagayaa reer Warsame Siciid iyo reer Cabdi Carwo geerida Aadan Warsame Siciid oo hadda ku geeriyooday London. Waxaan si gaar ah u tacsiyadeynayaa xaaskiisa Walaashay Koos Xasan Carwo iyo caruurta aan abtiga u ahay, iyo kuwa aan awoowga u ahay.



Alle ha u naxariisto qabriga ha u nuuro hana uga dhigo beer ka mid ah kuwa Fardawsta sare ehel iyo asxaabna heyna waafajiyo samir iyo duco.Aamiin. Adan waxuu ahaa nin cibaado badan, ehlu kheyr ah, aan waxtar mahee lahayn waxyeelo. 

Waxuu ka mid ahaa haldoorkii xarakadii dhalinyarada Somaliland ee Uffo kana mid ahaa raggii taliskii Siyaad Barre xabsi dheer ku xukumay.

Aadan waxuu ahaa nin afgaaban, hogaamiye dhegeesta intaanu hadal, u hiiliya xaqqa, aan aqoon dano khaas ah kolka ay timaado danta guud, Nin raaligeliya inta wanaag doonka ah, kana dhan ahaa in dulmi doonka ah, nin naxariis badan oo danyarta u nugul.



Illaahay ha ka abaalmariyo inta uu wanaag soo falay. Waxuu gud galayaa ayaamo kheyr iyo 10ka dul xijja oo Ilaahay qiimo sare siiyey.  


Axmed Xasan Carwo

Agaasimaha Guud

Baanka Dhexe ee Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...