Gabayo Kale Oo Laga Saaray Manhajka: Xaye Galaydh iyo Sayn Odowaa.

0
Tuesday July 21, 2020 - 09:51:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayo Kale Oo Laga Saaray Manhajka: Xaye Galaydh iyo Sayn Odowaa.

    By Mawliid Muuse Dacar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By Mawliid Muuse Dacar

Illaa hadda wasaaradda waxbarashadu way ka meeraysanaysaa inay sheegto sababta buugga fasalka 4aad ee dugsigada sare:

1 Looga saaray gabayadii Abwaan Af-qallooc iyo Abwaan Qorane

2 Loogu daray gabay dheeraad ah oo uu tiriyay Xasan Maxamed Qalinle oo qoray buugga  Markii aan baadhitaan iyo hubin kale ku sameeyay, waxa cirka loo tuuray oo gebi ahaan laga tirtiray suugaanta fasalka afraad ee dugsiga sare laba maanso oo ay kala curiyeen Abwaan Xaye Galaydh iyo Abwaan Sayn Odowaa oo labaduba reer Hargeysa ah, gaar ahaanna ah beesha Suldaanka Guud ee Somaliland ka soo jeedo. 



Qandaraaskan malmalluuqa iyo macnetirka ah waxa qaatay 2019kii Xasan Maxamed Qalinle Ku-xigeenka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka iyo Ibraahin Jaamac Faarax (Dhamac) oo uu adeer u yahay Cabdillaahi Yaasiin Diiriye Agaasimaha Xafiiska Manaahijtu. Iyaga ayaa isu xil saaray dib-u-eegista buugaagta fasallada kowaad, labaad, saddexaad iyo afraad ee dugsiga sare keligood. Cid kale lama wadin.

  

Macallin Dhamac, waxa xafiiskan loogu qoray si uu mushaharka ugu qaato, waxaanu ahaa macallin ka tirsan wasaaradda waxbarashada. Waxa uu haleeli waayay inuu 3 cisho iskuullada dawladda, isaga oo ka hawlgala dugsi gaar ah. Halkii ay ahayd in uu gunnadiisa ku ekaado, wuxuu isku qoraa mashruuc kasta oo soo baxa.

 

Dhamac, illaa kal hore wuxuu isu magacaabay Ku-xigeenka Manaahijta, waxaanu ku shaqaystaa qalinka iyo saxeexa adeerkii Cabdillaahi Yaasiin oo hadda da’ iyo talax gab ah.  Mar haddii Xaye Galaydh iyo Sayn Odowaana la tirtiray, dee waxa fiican malaha in labada gabay ee Qaasin iyo Xasan-Tarabbina dalaw laga rido, waayo waa inaha qudha ee meesha ku hadhay. Labadaasna ha lagu beddelo laba ka soo jeeda deegaanka kuwa manhajka dhalan-rogaya.


by mawliid Muuse Dacar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...