Lafa-gur Ku Saabsan Qallooca La Geliyay Manhajka Dugsiyada Somaliland Ee Maaddada Afka Soomaaliga.

0
Monday July 20, 2020 - 17:10:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lafa-gur Ku Saabsan Qallooca La Geliyay Manhajka Dugsiyada Somaliland Ee Maaddada Afka Soomaaliga.

    by Mawliid Muuse Dacar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

by Mawliid Muuse Dacar

Maqaalkani waxa uu taabanayaa waxyaabo ay ka mid yihiin: Indha-cadaynta Lagu Dafirayo Saaridda Gaabayada Afqallooc iyo Qorane, Weji-gabaxa

 

Xogo kala geddisan oo helay waxa ay tibaaxayaan rabitaan ah in la dafiro warka ah in manhajka laga saaray gabayada Abwaan Qorane iyo Xaaji Aadan Axmed Af-qallooc, taas beddelkeedana lagu soo daray gabay uu leeyahay Xasan Qalinle, laakiin buugga soo baxay 2020 gacanta ayaan ku hayaa. Waxa ayaan-darro ah in Xasan Qaline uu caddayn waayo waxa uu gabaydaas ka qiimaha badan kuwiisa u saaray, isna uu mid cusub ugu darsaday. Isaga oo ka galgalanaya eedda, waxa uu isku qaaday cid aan shaqo ku lahayn qoraalkii aan soo gudbiyay. Waxa aan leeyahay fallaadhi gilgilasho kaagama go’do.

 

Waxa la yidhi meyd maxaa u dambeeyay iyo kaas la sii sido, wax-ka-beddelka buugaagta Soomaaliga waxa loo xil saaray bareyaal ay isku xaafad yihiin Xasan Qalinle oo kala ah Dhamac, Oday iyo Rashiid-Soomaali, waana isla kuwa imaka duubaya casharrada fasallada dugsiga sare ee Soomaaliga, intaas waxa lagu sii kordhiyay uun kuwo xaafaddooda ah sida Baas.

 

Waxbyaabaha cajiibka ah waxa ka mid ah berigii manhajka la qorayay dugsiga sare ee Soomaaliga ayuu Macallin Maxamuud Xaaji Xasan Khaliif (Tulux) oo ahaa Tifaftiraha guud ee Soomaaligu ka yaabay hal-abuur lagu xayaysiiyo manhajka, oo gabayadiisu soo noqnoqdaan. Dadka ayaan u daayay ka uu yahay, kaddib qoreyaashii ayuu ku yidhi "Ka saar kaas, oo ku dar Abwaan Cabdi Iidaan Faarax”. Waxa aad arkaysaa in casharradiina loo sii kala badsaday sida dawladnimada loo kala xoogayo.

 

Anigu 4.5 ma gelin manhajka ee waxa geliyay ciddii gacanta ku haysay, markaas haddii aan qallooca faaqido miyaanay xaq u lahayn? Waxa ay dad badani is-weyddiinayaan in aan ahay siyaasi aan bahda waxbarashada ka tirsanayn, laakiin waa muhiim in aan la socdo waxa lagu barbaarinayo ubadka dalka. Waan nasiib badanahay haddii aan la ii dhigin duruus isku cayn iyo bayd go’an oo caynkan u malluuqan.

 

Marka tifaftirka buugaagta loo diri waayo cid aqoon u leh, waxa soo baxa foolxumo. Tusaale ahaan magaca Xasan Qalinle waxa uu bogga kowaad ku qoran yahay isaga oo ah "xassan”, waa magac gaar ah, waxa ay ahayd inuu xaraf weyn ku bilaabmo. Ta kale xarafka s miyuu labanlaabmaa af ahaan? Xarfaha labanlaabmaa saw maaha m, n, l, g, r, d iyo b. Goorma ayaa s lagu daray. Qaladaad badan oo higgaadeed ayaa ceegaaga. Xitaa gabayada looma qori si sax ah oo looma qaybin hojis iyo hooris. Waxa muuqata in sixitaanka, qoraalka iwm lagu naasnuujinayo cid dhabarka la taabanayo. Qof-jeclaysi waa foolxumada qaranka.

 

Kuwa lagu sheegayo qoreyaasha manhajka ayaa u baahan in la baro sharciga qoraalka marka hore. Nin akhriyay labada buug ee fasallada 3aad iyo 4aad ee dugisga sare oo qoraa ah, lana yidhaahdo Cabdinaasir Axmed Ibraahin oo qoraa ah ayaa bartiisa ku baahiyay in manhajka ay ku jiraan qaladaad badani. Bal qiyaasa? Marka ay sidan tahay wasaaradda waxbarashada ee loo tuhmayay aqoontu, maxaad ka fili meelaha kale.

 

Maalmaha soo socda ayaan so gudbin doonaa lafagur aan ku samaynayo gabayada tayada leh ee la tuuray iyo maansooyinka taban,  ee ku jira manhajka insha Allah.

 

by Mawliid Muuse Dacar


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...