Cali Baqdaadow, Dudumooyinkaad Hargeysa Aad Ka Dhisatey, Makaga Maarantaa, Dhalashada Canada!!!!!

0
Monday July 20, 2020 - 10:54:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Baqdaadow, Dudumooyinkaad Hargeysa Aad Ka Dhisatey, Makaga Maarantaa, Dhalashada Canada!!!!!

    Hordhac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac



 

Canada iyo Sweden waa labada dal ee warshadaha ka hore marey, ee reer Galbeed ah. Kana hore mariya danaha xuquuqul-insaanka tooda dhaqaale.


 

Labada dalba, sanadadii lasoo dhaafey, waxay dagaal culus la galeen dalalka Israil iyo Sucuudiga, khaasatan dhanka xuquuqda asaasiga ah ee qofka.


Aynu usoo laabano, dalka Sucuudigu waxay 2 August 2018-kii xidheen gabadh Suciidi ah hadana jinsiyada Canada ah sidata oo la yidhaa Samar Badawi. Kadib markii ay ka hortimi sharci haweynka u diiday in ay wataan baabuurta.


 

Waxa xusid mudan, in Canada ay si toos ah u abaartey dhaxal sugaha sida dadban u maamula bogortooyada Sacuudiga. Iyagoo dhaleeceen aad u culus u jeediyey, kuna tiraabey in hadii si dhaqso ah Samar Badawi loo sii deyn waayo in xidhiidhka labada dal, uu mugdi gali doono.

 


Maalmo yar ka dib labadii dal Canada iyo Sucuudigu waxay kala qaateen xidhiidhkii dublamaasiyeed. Hadaba in yar aynu carabka ku dhufano;

 

Waa Maxay Waxey Canada ku weyday Xidhiidhka Sucuudiga ay kala qaateen?

 

Dhanka ganacsiga: sucudigu waxa uu ka soo waaridan jirey ilaa $ 2 bilion oo ah bucshurooyin cunto iyo qalab Canada lagu farsameeyo.

 

Dhanka militariga: sucuudigu waxa uu soo waaritaa qalab milatari oo gaadhaya $15 bilion, oo hub, baabuur, dayactir iwm.

Dhanka Tacliinta: waxa Canada Jamacadaheeda wax ka barta ku dhawaad 16 kun oo ardey oo Sucuudi ah. Taas oo iyana lagu qiyaaso marka la isku daro, qarashka wax barasho, $16 kun oo Dollarka Mareykanka ah calaa ardey. Waa qarashka jaamacada oo kaliya. (tuition fees) oo kaliya. Hadii aynu xisaabino waa $240 Malyuun sanadkii . Ka waran qarashaadka kale ee ardeyga. Guryaha, daaweynta(medical aid), iyo qarasha noloshooda iyana ay dheertey,

 

Dhanka Dhaqaatiirta: waxa dhaqtarnimo loo taba-baraa kun ardey. Iyana ay tahay calaa dhaqtar lacag gaadheysa ilaa $30 kun oo qarashka tacliintoodu noqonayo ilaa $ 30 malyuum sanadkii.

 

Dhanka Caafimaadka: Canada waxa yaala hospitaladooda ilaa 17 kun oo bukaan oo laga daaweynayo xanuuno aduunka sadexaad looga caal waayey. Sida Cancer ka, wadanaha, kalyaha iwm. Oo calaa bukaan bishii ku baxdo. Aduun dhanka $ 15 kun.


Hadii aduunka intaas leeg, Canada uga tanaasushey xadhiga qof kaliya oo Sucuudi ah. Ka warama waxa uu ku kacay qof Canadian ah sida Cali Baqdaadi, oo heer jidh dil iyo been abuur gaadhey, dadkaas oo


saxafiyiin iyo muwaadiniin-ba isugu jira. maxaa Canada ku sugaya. Hadii iminkaba interpool ka magaciisaba la dhigin. Wallee caqli haldhaaloow, Hunguri Gabiyo kaa Tuur. Abwaan Muuse Aaye(AHN). Bal aynu ka dhursugno, Baqdaadi iyo Canada halkey iskala soo dhacaan.

 

 

Biixi[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...