Gabayadii Afqallooc iyo Qorane oo manhajka Somaliland Laga Saaray iyo Abwaanno Cusub Oo Lagu Buunbuuninayo.

0
Monday July 20, 2020 - 10:47:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayadii Afqallooc iyo Qorane oo manhajka Somaliland Laga Saaray iyo Abwaanno Cusub Oo Lagu Buunbuuninayo.

    La soco Qaybta labaad ee qallooca la geliyay Manhajka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La soco Qaybta labaad ee qallooca la geliyay Manhajka.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa buugga fasalka afraad ee dugsiga ka saartay gabayada kala ah:



1. Macallimiiinta iyo ardayda oo uu tiriyay abwaankii weynaa ee Xaaji Aadan Af-qallooc, oo ku qornaa bogagga 41-42 ee manhajkii la daabacay 2016ka


2. Cilmigu waa iftiin oo uu curiyay gabayaaga caanka ah ee Axmed Colaad Digaale (Qorane) oo ku qornaa bogagga 43-46 ee manhajkii cusbaa ee soo baxay 2016ka.

 

Labadaas gabay ayaan geli ahaan ku jirin daabacaad cusub oo la soo saaray 2020ka. Lama yoga sababta lagu duray maansooyinka labadaas Abwaan ee waaweyn ee Soomaalida magaca ku leh.

 

Geesta kale, iyada oo gabaydaas qiimaha badan la saaray waxa ka buuxa maansooyin uu tiryay Xasan Qalinle oo ah Ku-xigeenka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, ahna madaxa maaddada Soomaaliga ee wasaaradda waxbarashada, ahna ninka bixiya tababarrada Afka Soomaaliga, ahna qoraha gaarka u diyaariyay buugga fasalka 4aad ee laga saaray Qorane iyo Afqallooc.

 

Lama taaban gabayada dadka ka soo jeeda Gebiley iyo Galbeedka Hargeysa. Manhajka wuxuu u muuqda mid lagu beegsanayo taariikhda dad dalka u dhashay, laguna buunbuuniyayo beel kale.

 

Mid ka mid ah maansooyinka Xasan Qalinle ayaa la yidhaahdaa Harada Figtooriya, waxaanay ardaydu bareyaasha ku yidhaahdaan "Macallin, harada Figtooriya ma Somaliland bay ku taalla?". Waa wax aan dhinacna ka soo gelin kobcinta garaadka ummadda. Waxa kale oo uu ku leeyahay maanso labaad. Waa nin ka soo jeeda deegaanka Madaxweynaha Somaliland.

 

Wax-ka-beddelkan waxa talo ku lahaa Agaasimaha Xafiiska Manaahijta Cabdilaahi Yaasiin Diiriye oo xilkaas haya illaa intii Somaliland jirtay. Lama talo gelin qoreyaashii buugta oo uu ka mid ayaa Abwaan Maxamed Axmed Beddel. Gabayga Xus Abwaan oo Qorane curiyay waa la quseeyay, waxaana laga reebay dhawr sadar oo aan micne lahayn.

 

Manhajka waxa 2016kii lagu daray in Muuse Biixi Cabdi lahaa Aragtida aasaaska Guurtida 1988kii, waxaana Guurtida ka dhisay  1983kii oo uu Guddoomiye u ahaa Suldaan Xasan Bulbul Alle ha u naxariisto,e.

 

La soco Qaybta labaad ee qallooca la geliyay Manhajka.

 

W/Q:Mawliid Muuse Dacar.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...