Ha Quusanina, Waayo Rajo-Beelku Ma Aha Dhaqan Muslim

0
Monday July 20, 2020 - 10:43:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha Quusanina, Waayo Rajo-Beelku Ma Aha Dhaqan Muslim

    W/Q: Hamze Mohamed Muse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Hamze Mohamed Muse

Dhallinyaro, aragtida waxa dhaqaajiya: rumaysnaan xooggan oo lagu qabo aragtida, daacadnimo, dareen riixa iyo diyaargarow ku qotoma naf-hur, loo na dabranaado ka-midho-dhalinteeda.



Afartaa tiir( Rumaysnaan, Daacadnimo, Firfircoonaan iyo Hawlgal) ayaa ah waxa ay la gaar yihiin dhallinyaradu.

Iimaanka waxa bud-dhig u ah garaad sarreeya. Daacadnimadana waxa sal u ah qalbi xalan. Firfircoonaantana waxa riixa dareen xooggan. Fulintana waxa dhaqaajiya go’aan.


Arrimahan oo dhanna, dhallinta ayay gooni u yihiin.


Dhallinyaradu, horrayso iyo dambaysaba, waxa ay ahaayeen laf-dhabarta horumarka, horumar kastana iyaga ayaa ka dambeeyey, aragti kastana iyaga ayaa xambaarayey: " ….Waxa ay ahaayeen dhallinyaro Allahood rumeeyey, Annaguna toosnaan ayaanu u kordhinnay” {Al-Kahf: 13}.


Ha quusanina, waayo rajo-beelku ma aha dhaqan Muslim. Waxqabadyada maanta ee hirgalay, waxa ay ahaayeen hiigsiyadii shalay, himilooyinka maantuna, waa waxqabadyada tisqaadi doona berri.


Wakhti innagama tegin, dareennada samatobixineedna waa kuwo ku xooggan nafaha bulshadiina Muslimka ah, in kasta oo muuqaallo musuqmaasuq oo xadka bax ahi muuqdaan.


Taagdarnaantu ma waarto, xoog badnaantuna waligeed iyo waaqeed ma sii jirto: "Waxa aanu doonaynaaa in aan ku galladaysanno kuwa lagu tamardarraystay dhulka in aanu ka dhigno hoggaamiyayaal iyo dhaxlayaal- dhaxla boqortooyada Fircoon” {Al-Qasas:5}


Wakhtigu dhacdooyin waaweyn ayuu bedka keeni doonaa, hawlgallada waaweyni fursado ayay heli doonaan, duniduna baaqiina ayey sugaysaa, baaqa hanuunka, badhaadhaha iyo Nabadda ayay dhowrayaan si aad uga soo furdaamisaan dhibaatooyinka ay la ciirciirayaan.


Doorkiinu waa hoggaaminta ummadaha. Maalmuhu waa meerto, Allena waxa aad ka filaysaan wax aysan filanayn kuwa aad is haysaan.


Dhallinyaro, diyaargarooba oo hawlgala maanta, waxa hubaal ah in aad hawlgabi doontaan berri e’.


IMAAM XASAN AL-BANNA.

ALLE HA JANNEEYO.

W/Q: Hamze Mohamed Muse

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...