'' Umadayda Niyad Jebin Maayo ''.

0
Monday July 20, 2020 - 09:53:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1077
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Umadayda Niyad Jebin Maayo ''.

    Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ahmed Nour Guruje

Sanadkii 2000 waxaa ka bilaabmay magaaladda Carta ee Wadanka Djabouti shir siyaasadeed oo la doonayay in dawlad loogu dhiso Somaliya , shirkaas oo xoog loo abaabulay , aadna looga shaqeeyey in madaxda dhaqanka , abwaanadda , siyaasiyiinta iyo guud ahaan dadka caanka ihi ka qayb galaan .

 

Maalmihii shirkaasi socday , waxaa somaliland soo foodsaaray culays wayn oo kaga yimi shirkaas , xiligaas oo Somaliland awoodeedu iska koobnayd , miisaaniyadeeda dhamini iska ahayd 20 malyuun , ciidanka booliska oo dhamina lahaa 7 baabuur oo keliya oo kal jooga lixda gobol .

 

Hadaba waagaas waxaa soo baxday warar sheegaya in Abwaan Hadraawi oo jooga wadanka Ingiriisku tagayo shirka Carta arrintaasoo aad loogu sheekaysan jirey maalmo , hadaba iyadoo arrimuhu halkaas marayaan ayaa Hadrwaawi waxaa waraysi la yeeshay waragayska Jamhuuriya , Abwaanka oo la waydiiyey suaal ku saabsanayd in uu shirkaa tagayana wuxuu yidhi '' Anigu dadkayga niyad jebin maayo , oo la odhan maayo Hadraawi ayaa tagay shirkaas si dadkaygu u niyad jabaan ''.

 

Kalmadahaas hadraawi waxay igu yeesheen saamayn balaadhan ilaa waagaasna wadadaa Hadraawi ayuun baan hayaa , waligay dadka ma niyad jebin doono .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...