Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Guduhu Waa Masuul loo igmaday Wasaaraddii Ku Habboonnayd

0
Tuesday April 16, 2019 - 12:48:47 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Guduhu Waa Masuul loo igmaday Wasaaraddii Ku Habboonnayd

    Naasir Caydiid Maxamed Faarax waxa uu hore uga soo shaqeeyay xarunta dhexe ee dawladda hoose ee Caasimadda Hargeisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naasir Caydiid Maxamed Faarax waxa uu hore uga soo shaqeeyay xarunta dhexe ee dawladda hoose ee Caasimadda Hargeisa

Hargaysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu maalintii shalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha umagacaabay Naasir Caydiid Maxamed Faarax oo ahaa guddoomiyaha degmada Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargaysa.

Naasir Caydiid Maxamed Faarax waxa uu hore uga soo shaqeeyay xarunta dhexe ee dawladda hoose ee Caasimadda Hargeisa, waxaannu noqday
Agaasimaha waaxda gaadiidka ee dawladda hoose iyo Agaasimaha arrimaha bulshadda, isagoo mudadaas muujiyay hawlkarnimo aad u sarraysa, islamarkaanna Shaqo hufnaan iyo Caddaalad leh ku maamulay Xafiisyaddaas kala duwan.



Waxa kale, oo uu Mujaahid Naasir Caydiid Maxamed Faarax uu ka soo shaqeeyay Shanta degmo ee Caasimadda Hargeisa, isagoo degmo kasta kaga tagay Waxqabad la taabban karo oo lagu majeerto ilaa maanta Shaqo hufnaantiisii, hawlkarnimadii, Caddaaladii iyo Sinnaantii uu kaga soo shaqeeyay Degmooyinka Caasimadda Hargaysa, waxaanna Shaqadiisa iyo Hawlkarnimadiisa ka markhaati kacay shacabka ku dhaqan degmada Axmed Dhagax oo maalintii laga badalay si mug leh uga hadlay oo uga Cadhoodday, isagoo u istaagay Waxqabadkii uu ka sameeyay degmada Axmed Dhagax. Sidoo kalena waxa uu Waxqabad Muuqda ka geystay Guud ahaanba Degmooyinka iyo Qeybaha kala Duwan ee Loo Magacaabay.

 

Wasiir Kuxigeenka Cusub ee Wasaaradda Arimaha gudaha Naasir Caydiid Maxamed Waxa ay Dadweynaha kala duwan ee Caasimada Haryeysa gaar ahaan Masuuliyiintii ay Soo Wada shaqeeyeen, iyo Guud ahaanba Shacbigii uu ugu Soo shaqeeyay Maamul ahaan Degmooyinka Iyo Xarunta D/hooseba isku Raaceen in uu Ku Suntanaa Masuuliyad, Karti,Cadaadalad,firfircooni.iyo Xilkasnimo, iyaddoo lagaga tusaale qaadan karo in uu ahaa Masuulkii ugu Hambalyadda badnaa Dhinaca Baraha Bulshada iyo Warbaahinta Maxaliga ah Marka loo eego Xubnihii dhawaan Madaxweynuhu Magacaabay.

 

Gabagabadii Wasiir Ku-xigeenka Arimaha Gudaha Somliland Naasir Caydiid Maxamed Waxa uu ka mid ahaa Mujaahidiintii ka soo qeyb-qaatey Halgankii SNM, Isagoo geesta kalena, ka mid ahaa Xubnihii ugu Firfircoonaa Gudidii Ololaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Maroodi/jeex

 

Hadhwanaagnews,Officce

Hargeisa,Somaliland

 

Loading...
Loading...