Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Ka Hadlay Berbera Corridor Iyo Wadda Hadalka Hargeysa & Muqdisho

0
Sunday March 03, 2019 - 19:35:07 in News by Super Admin
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Ka Hadlay Berbera Corridor Iyo Wadda Hadalka Hargeysa & Muqdisho

    Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo ah Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo ah Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland

ee ugu horeeyey, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, mashruucii Berbera Cooridoor, ee la dhagax dhigay, xidhiidhka ka dhexeeyey Itoobiya iyo Somaliland, saami qaybisga, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Waa arin guul u ah labada dhinacba, waayo labada umaddood ee Itoobiya iyo Somaliland, dano weyn baa ka dhexeeya, oo ah mid istaaraji, mid ganacsi, mid dhaqaale, mid nabadgalyo, mid wax wada qabsi, mid bulsho, gaar ahaan Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo Somaliland, waa laba dad oo walaalo ah, isku seediya, isku abtiya, tusaale ahaan aniguba labada dhanba waan ka tirsan nahay, waayo waxaan ku dhashay Degmada Xarshin, qudhac-weyne, oo laan-qayrta dusheeda ah, haddii aan maanta tago Dhagax-buur, qariib ku noqon maayo, waayo waa gurigaygii, haddii aan Jig-jiga tago marti ku noqon maayo, haddii aan tago Doolo, Nogob, Qoroxay iyo meel kasta oo aan tago oo ka mid ah Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya waa anigoo gurigayagii tagay, dadku waa dad is wada dhalay, isku mid ah, Somalida inteeda kale iska xiga, guud ahaan Somaliland iyo Itoobiya isku xidhkooda dhaqaale, waddadani waa waddo u muhiim ah, walibana waddani waa waddo caalamiya,waxaana u arkaa inay horumar weyn inay tahay”.

Mar uu ka hadlaayey labada Madaxweyne ee dhagax dhigay mashruucan waddada ayaa yidhi "Labada Madaxweyne ee dhagax dhigay Waddada cusub, Muuse Biixi Cabdi iyo Mustafe Maxamed Cumar Cagjar, labadooda geel baa wada daaqa, oo waa isku deegaan, guumasigii meelba magac u bixiyey, iyada oo Afrika dad isku mid ah ahayd, oo waa kala jarjaray, markaas ayaana la kala qayb-qaybiyey, juqraafiga ayaa kala soocaye, tusaale ahaan Salaadiintii Somaliland gobonimada u doonaysay, ee boqorada la kulmay, Mustafe Cagjar Suldaankiisi Biixi, Salaadiintii la diray ayuu ku jiray, Deegaanka Dhagax-buur mar baa Hargeysa laga xukumaayey, mar baa Jig-jiga laga xukumaayey, mar uu xuduudkii ilaa Herer joogay, dhulkii la wareejiyey 1954, gaar ahaan Hawd, ayaa lagu wareejiyey Itoobiya, shuruud la’aanta Xamar loo tagay waxay ahayd in Gobolkaas la soo celiyo, maanta wuxuu ka tirsan yahay Gobolkaasi deegaanka uu Mustafe Maxamed Cumar uu Madaxweynaha ka yahay”.

Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi "Inagu Somaliya xumaana lama doonayno, ee iyaga ayaa ina darifaya, oo inaynu ahayn laba dal oo isku tagay lixdankii diidaya, oo leh Gobol aanu leenahay weeye, haddii maamulka Somaliya caqli keenaan oo si wanaagsan u fikiraan,iskaashi fiican baynu yeelanaynaa, oo laba dal oo wanaag jaar ku ah ayeynu ahaanaynaa, shantii Somalidu, waa kuwaas shanta u kala taala maanta, Jabuuti waa gooni, Maamulka Somalida Itoobiya waa gooni, Somalida Kenya waa gooni, in Somaliland iyo Somaliyana gooni kala ahaadan ayey dantu ku jirtaa, haddii uu yidhi Raysal-wasaaraha Itoobiya Somaliland iyo Somaliya ha iskaashadan, oo uu yidhaahdo xidhiidhkiina wanaajiya waa caadi, laakiin taas macnaheedu maaha Somaliya ayaad la midawaysaan ee raaca, Maamulka Somaliya ayaana sidaas u turjuntay, ee Somaliya dantu waxay ugu jirtaa inay aqoonsadaan Somaliland, cadaalad daro iyo dulmi ayey Somaliya burburisay, Shacabka Somaliland lagula dhaqmay”.

Mar uu ka hadlaayey saami-qaybsi in Doorashada lagu galo iyo in kale ayaa yidhi "Saami qaybsi in imika Doorasho lagu galo maaha suurtagal, maxaa yeelay wax la dhamayn karo imika maaha, nin waliba qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira, ee Doorashada imika la galayo ha laga daayo saami qaybsiga,waayo Hargeysa oo ah meelaha ugu dadka badan ayaa nin lix kun oo cod helay kursi waayey, Gobolada qaarna waxa lagaga soo baxay kun iyo dheeraad,yeynaan is dhigan, ee Doorashadan sidii hore ha lagu galo, Doorashooyinka dambena saami-qaybsiga ha lagu saleeyo, oo tirikoob sax ah iyadoo la sameeyey Doorashooyinka ha lagu galo”



Loading...
Loading...