Mawqifyo Kala Fog Oo Ay Ku Kala Caraabeen Muuse Biixi Oo Xisbiyadu La Dhinac Yihiin Iyo Madax Dhaqameedka Awdal/Sele

0
Sunday July 19, 2020 - 19:44:17 in News by
  • Visits: 2364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mawqifyo Kala Fog Oo Ay Ku Kala Caraabeen Muuse Biixi Oo Xisbiyadu La Dhinac Yihiin Iyo Madax Dhaqameedka Awdal/Sele

    Mawqifyo Kala Fog Oo Ay Ku Kala Caraabeen Muuse Biixi Oo Xisbiyadu La Dhinac Yihiin Iyo Madax Dhaqameedka Awdal/Sele

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mawqifyo Kala Fog Oo Ay Ku Kala Caraabeen Muuse Biixi Oo Xisbiyadu La Dhinac Yihiin Iyo Madax Dhaqameedka Awdal/Sele


Haargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, gudoomiyeyaasha xisbiyada Ucid, Waddani Iyo Madax dhaqameedka ka soo jeeda gobolada Awdal iyo Selel ayaa maanta kulan adag ku yeeshay madaxtooyada.




Kulankan oo ujeedadiisu ahayd in salaadiinta gobolada galbeedka lagu qanciyo heshiiska ay xisbiyada iyo madaxweynuhu ku gaadheen in doorashada golaha wakiilada lagu galo saami qaybsigii la isticmaalay doorashadii hore ee qabsoontay 2005 ayaan ilaa hada la wada gaadhin mawqif midaysan.


Wararka ayaa xaqiijiyey in markii uu kulankani furmay ay madaxweynaha iyo gudoomiyeyaasha xisbiyadu uga warameen salaadiinta gobolada galbeedka doorka ay ku leeyihiin wadanka iyo sida ay dhismaha qaranka muhiimka ugu yihiin, waxaanay u soo jeediyeen inay aqbalaan soo jeedinta ay ku doonayaan in doorashada golaha wakiilada lagu galo saami qaybsigii hore ee 2005.


Sidoo kale wararka ayaa sheegay in salaadiinta gobolada Awdal iyo Selel ay ku kala qaybsameen soo jeedinta madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaridka ah iyada oo qaarkood ay si weyn u soo dhaweeyeen halka kuwo kalana ay ka horyimaadeen taas oo sababtay in kulankani ku dhamaado natiijo la,aan.


Madaxweynaha iyo gudoomiyeyaasha xisbiyada ayaa salaadiinta oo hadaladoodu iskhilaafeen u soo jeediyey inay go’aan midaysan soo gaadhaan isla markaana ay kulamo dambe iskugu iman doonaan iyada oo aanay jirin waxa natiijo ah oo la taaban karo oo ka soo baxday kulankii maanta.


Salaadiinta gobolada Awdal Iyo Selel ayaa markii ay ka soo baxeen kulankii madaxtooyada waxyaka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan shirkii ay la galeen madaxweynaha iyo gudoomiyeyaasha xisbiyada qaranka.


Sidoo kale waxa natiijo la,aan ku soo dhamaaday dedaalo ay wadeen Wasiirada beeraha iyo ganacsiga oo ka soo jeeda gobolka Awdal kuwaas oo doonayey inay madax dhaqameedka ka dhaadhiciyaan inay aqbalaan soo jeedinta madaxweynaha iyo xisbiyada.


Madax dhaqameedka gobolada galbeedka ayaa isla maantaba dib ugu laabtay goboladoodii iyada oo aan wakhti cayiman loo samayn xiliga uu kulanka labaad dhici doona.


Madaxweyne ku xigeenka somaliland iyo wasiirada ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa dhankooda laga filayaa inay socdaal ugu kicitimaan magaalada Boorama halkaas oo ay ka bilaabi doonaan dedaalo madax dhaqameedka iyo shacabkaba ay ku liqsiinayaan qorshaha ay madaxweyna Muuse Biixi iyo xisbiyadu ku doonayaan in doorashada golaha wakiilada lagu galo saami qaybsigii la isticmaalay 2005.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...