SOLJA Oo Tababar U Furtay 30 Suxufi Oo La Barraayo Baadhitaanka Xoggaha Qarsoon

0
Sunday July 19, 2020 - 19:30:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOLJA Oo Tababar U Furtay 30 Suxufi Oo La Barraayo Baadhitaanka Xoggaha Qarsoon

    SOLJA Oo Tababar U Furtay 30 Suxufi Oo La Barraayo Baadhitaanka Xoggaha Qarsoon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SOLJA Oo Tababar U Furtay 30 Suxufi Oo La Barraayo Baadhitaanka Xoggaha Qarsoon

Hargeisa(HWN):-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa Tababbar ugu qabtay magaalada Hargeysa 30 Suxufi oo ka kala yimid guud ahaanba gobollada dalka, isla-markaasina ka hawlgala Hay’adda Warbaahineed ee Dalka.



Tababbarkan oo socon doona muddo 4 Maalmood ah, ayaa ku saabsan Kor u qaadista xirfadaha suxufiyiinta, gaar ahaanna Baadhitaanada Barnaamijyada Xasaasiga ah iyo dabagalka warbixinada saamaynta leh.

Yaxye Maxamed Cabdi oo ah Agaasimaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo furutaankii tababarkani ka hadlay ayaa sii faahfaahinaya dulucda lagaga hadlayo inta uu socdo tababarkani, waxaanu sheegay in SOLJA oo diyaar u ah inay wax barto Weriyeyaashu Tababbarkan ugu talo-gashay in kor loogu qaado Xirfadda la xidhiidha baadhitaannada Saxaafaddu samayso.

Sidoo kale, Agaasime Yaxye Maxamed Cabdi waxa uu kula dardaarmay Warfidiyeenada inay ka midho dhaliyaan Aqoonta la barayo iyo ujeeddada Tababarkan.

Ugu dambayn, Mahad jaamac koronto oo ah bare sare oo warbaahineed isla-markaasina daadihin doona Tababbarkani muddada uu socdo ayaa halkaas ka hadlay.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland


Loading...
Loading...