Muxuu ku dhammaaday Kulankii Muuse Biixi Iyo Madax-dhaqmeedka Awdal..?

0
Sunday July 19, 2020 - 18:56:47 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu ku dhammaaday Kulankii Muuse Biixi Iyo Madax-dhaqmeedka Awdal..?

    Madaxweyne Biixi Iyo Madax-dhaqmeedka Awdal Oo Kulankooddii Natiijo La'aan Ku Dhammaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Iyo Madax-dhaqmeedka Awdal Oo Kulankooddii Natiijo La'aan Ku Dhammaaday

Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan gaar oo saaka la qaatay Madax-dhaqameedka gobollada Awdal iyo Salel.


Kulan oo ka dhacay qasriga Madaxtooyadda waxa madaxweynaha ku weheliyay guddoomiyeyaasha xisbiyadda UCID iyo WADDANI, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda kana soo jeeda gobolka Awdal.
Madaxweyne Muuse Biixi oo eedeeyay Dowladda Soomaaliya

Kulanka muddo saacado ah socday ayuu Madaxweynaha Somaliland hor-dhigay salaadiinta codsi la xidhiidha sidii ay doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanku dalka uga dhici lahaayeen iyada lagu galayo saami-qaybsigii hore.

Salaadiinta gobolka Awdal ayaa ku kala qayb-samay codsiga Madaxweynaha waxaana ku gacan-saydhay qaar ka mid salaadiinta halka kuwo kale soo dhaweeyeen.

Kulan madaxweynaha iyo madax-dhaqameedka ayaa ugu dambayntii ku soo dhammaaday natiijo la’aan. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo ay weheliyaan qaar ka mid wasiiradda xukuumadda ayaa kulan hadhimo sharafeed ah la qaatay Madax-dhaqameedkan iyaga oo isku dayay inay ku qanciyaan in ka tanaasulaan arrinta saami-qaybsiga balse kulankaasina waxa uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.


Loading...
Loading...