Qiimeynta Guud Guda-Galkii SNM Ee Sadexda Aag Ee Cadaadley, Hargeysa iyo Burco 1988 Qeybta 8-8

0
Sunday July 19, 2020 - 18:21:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Guud Guda-Galkii SNM Ee Sadexda Aag Ee Cadaadley, Hargeysa iyo Burco 1988 Qeybta 8-8

    Qorshihii dagaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshihii dagaalka

(g) Burco:isla habeenkaas C.laahi Dakhare, taliyihii tiknikadu, waxa uu soo jeediyey hadii bixid ay noqoto in ciidanka tiknikadu noqonayo bar-timaameed cadawgu soo eeganayo. Sidaas darted, waa in tiknikadu ugu hor baxdo, waayo?Ciidanka lugtu kooxo yar-yar ayeey u bixi karaan. Isla hiirtii waabari waxa sidii ciidankii 1aad habqanka u bilaabey, iyana iyagoo isku duuban dhaqaaqey, guutadii Tawakal oo uu horkacayay Axmed Macalin Haaruun, laakiin nasiib wanaag, waxa laga soo daba direy, Mujaahid, Cabdi Feyr oo ku wargaliyey, in lasoo laabto oo aan magaalada laga bixin, sida uu taliyaha cusub ee Xandule gudoomiyey.

(h)Burco: waxa isla habeenkiiba Burco soo galay ciidan Faqash ah oo ka kala yimid, deegaamada Garawe, Dararweyne(Hargeysa) iyo Urur kasoo baxey Cadaadley iyo ciidamo ka yimi jiida Oodweyne, Kuwaas oo ku biirey ciidankii urursiga ahaa ee Siyaad Bare, ee degey taliska Gaaska. Halkaas oo subuxiiba ka bilaabeen dagaalo isdaba joog ah, iyagoo adeygsanaya madaafiic tiiro dheer iyo diyaarado intaba si ay dhaqso uga saaraan ciidanka SNM-ta gudaha magaalada Burco. Goobtaas, oo iska hor-imaado joogto ahi ay ka wadeen Ciidankii Siyaad Barre.

 

(i)  Burco:dagaalka Burco, aad buu uga duwanaa kii ka dhacey Hargeysa. Waayo?Hargeysa, waxa ka socdey dagaal dhuumaaleysi ah, oo awood u siinaya in Jabhadu ka dagaalami karto. Halka, Burco dagaalkeedu u badnaa goobo cayiman oo la isku weerarayo la iskuna hor-fadhiyo. Waxa hubaal aheyd in 4ta jihaba marka laga reebo ta waqooyi in Burco ciidan culus oo Faqashtii ahi kaga imanayeen, dhanka Bari, waxa jirey in dariiqa laamiga ah, isasoo heysteyn ciidan militari ahi ilaa Kismaayo toos ugu soo qul-qulayeen Burco. Sidoo kale Berbera oo taakuleynta degdeg ah, hubka casriga ah ee dagaalka wax ka badalaya ka imanayay iyo waliba ciidanka gurmadka ahiba, iyana wey furneyd iyo kii jiida koonfureed ee xuduuda teedsanaa.


(j) Burco: waxa ay Jabhadii ku adkaatey, waajihida ciidan cusub oo dharaar walba iskaga hor yimaadaan gudaha magaalada Burco. Sidaas darteed, waxa bilaabmey ciidamo, duleedka magaalada ka dagaal gala, waxa la diyaariyey, ciidan gala buurta Sheekh(Dawga) kuwaas oo hakad galiyey isu-socodka ay Faqashtu ku mari karto dariiqa Berbera-Burco. Laakiin, waxa jirey in ciidan culus oo Burco iyo Berreraba ka yimaada, ay weerarayeen ciidankii buurta jid-goynta kaga jirey. Halkaas, oo aakhirkii ciidankii tirada yaraa ee SNM-tu ku burburey. Sidoo kale, ciidankii dhanka bariga Burco, iyana waxay mitid adag ka galeen, laamiga bariga si ay guutooyinka xalinayay ee Faqashta ee sida isdaba jooga ah habeen iyo maalina u qulqulaya ay hakad galiyeen. Laakiin, waxay noqotey Hangarle lug uma dhitiyo, faqashtu dan kamey galin oo baaxad iyo cudud beey ku dhaafeysay. Halkaa, ciidankii dhanka Hawdka Burco ay iyana ciidan uu horkacayey Axmed Macalin Haaruun goobo badan cadawga ka xoreeyeen khaasatan deegaamada xuduuda. Hadana Maxamed-Cali isna dagaalo culus ka galay jiidaha Oodweyne, halkaasoo Haaruun iyo Maxamed-Cali ba ku shahiideen dagaaladaas.

 

(h)  Burco:mudo gaadheysa ilaa 80 maalmood, ayeey SNM ku dhax-dagaalameysay, gudaha magaalada Burco.Waxa jabhadii soo food-saartey, taakuleyn la’aan, rasaas la’aan shidaalyaraan iyo raashinkii oo isna gabaabsinoqdey, waliba ay u dheereyd dadkii oo ka gurmey kana dhamaadey gudaha magaalada, ciidankiina ay aad u daaleyn, waxa xusid mudan in iyana taliskii guud ee Jabhada ee Burco madfac kulaayey dhamaantood, oo uu ku jirey taliyihii guud Korneyl Xandule, taliskiina uu la wareegey Xuseen Qarash-Yare. Waxaana timid in ciidankii jabhadu u gurteen duleedka magaalada, iyagoo quudareynaya in Faqashtu ka hadheyso, laakiin faqashtii kamey hadhin. Tanina waxay keentey, in jabhadii ay gashey dagaal ay jilibka ay aasteen oo qaatey mudo bil ah, dagaa;adaas qadhaadhi si isdabajoog ah waxay uga socdeen dhulka ku xeeran Hawdka Burco ee loo yaqaano Baliyada. Halkaas oo jabhadu saraakiil iyo ciidan ba ku weyday dagaaladaas.

 

(i)  Burco:waxa markaas dhaawacii kasoo kacey Axmed Mire, isagoo ku wargaliyey, in uu ciidanku ka baxo, xaaladan difaac, oo loo guuro Oodweyne. Waayo?  Dagaalada natiijadooda waxa lagu qiyaasaa qasaaraha ciidanka ee laguma qiyaaso, goobaha aad heysatid. Waxa ciidankii degey goob la yidhaa Seeto kuna taal duleydka Oodweyne. Halkaas waxa la isku mutey dagaal adag oo hadana Axmed Mire ku dhaawacmey iyo Aaden Saleebaan. Waxa jabhadi u guurtey Gorayo xun, iyo goobo kale, cadowgiina waa daba socodaa. Hadana, waxa dhaawacii ka soo kacay Axmed Mire, oo ciidankii u rarey Waraabeeye goob aad ugu dhow Burco. Halkaas oo faqashtii la ogoleysiiyey in SNM-ta iyo Faqashtuba dalka gudihiisa ay ku noqdaan cadaawe wada yaalaa.


(j) Burco: waxa halkaas ka bilaabmey in ciidankii jabhadu aagag kala sameytey, oo dadweynihiina si dhameystiran uga mid noqdeen, jabhadii. Waxa iyana daba socotey in jabhadu isu gurmato, halkaas oo ciidankii ugu horeeyay ee gurmad sameeya ahaa ciidan ka baxey jeeda Oodweyne guutadii 2aad oo uu watey Mujaahid Khadar Ismaaciil ku magac-dheeree Arjentini, oo ciidan u kaxeystey, si culeys dagaal oo ku habsadey deegaanka Gumburi-Libaax iyo Taalo-Buur. Goobtaas oo dagaal socdey 3 maalmood oo cadowgu taanigiyo iyo bee bee yo adeegsadey, oo aheyd dhul meel banaan ah. Qiyaastii 200 qoys goobtaas lagaga bad-baadiyey, cadawgii faqashta, ciidankii jabhaduna uu muujiyey geesino hore loo arag. Oo ay noqdeen wax dhinta iyo wax cadowgii nolol ku qabtey oo raq iyo ruux toona-ba la arag. Sida taliye Khadar Ismaaciil Arjentina oo aan ilaa hada laga war qabin halkii uu ku dambeeyey.

 

 

Maxamuud Biixi [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...