Ardayda magaalada Baraawe oo imtixaanka shahaadiga ah ku galaya Muqdisho

0
Sunday July 19, 2020 - 13:37:06 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardayda magaalada Baraawe oo imtixaanka shahaadiga ah ku galaya Muqdisho

    Sidoo kale ardaydan oo ay wajiyadoodu ka muuqatay farxad weyn ayaa loo gudbiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale ardaydan oo ay wajiyadoodu ka muuqatay farxad weyn ayaa loo gudbiyey




Waxaa maanta magaalada caasimada ah ee Muqdisho la keenay ardayda fasalka afaraad ee dugsiyada sare ah oo laga soo qaday magaalada Baraawe ee caasimadda dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya.

 

Ardaydan oo uu shalay dhaafay maalinta koowaad imtixaanka ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada ayaa waxaa diyaarad u dirtay dowladda dhexe, kadib markii ay ardaydaasi iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay qeylo dhaan ka muujiyeen arrintaasi.

 

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumadda federaalka Somalia, Xamse Siciid Xamse iyo xildhibaano uu ka mid ah Mudane Maxamed Nuuraani Bakar.

 

Sidoo kale ardaydan oo ay wajiyadoodu ka muuqatay farxad weyn ayaa loo gudbiyey dhanka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Gahayr, halkaasi oo ay ku geli doonan laba maaddo oo ah Imtixaanka, kuwaasi oo kala ah Tarbiyada Islaamka iyo Xisaab, waxaana shalay dhaafay maadooyinka kala ah Juquraafi iyo Soomaali.

Xildhibaan Nuuraani oo wariyeyaasha la hadlay ayaa dowladda federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada sida ay ugu dadaashay in imtixaanku uusan ka wada baaqan ardaydaaasi, isagoona intaasi ku daray in sanadka xiga ee 2021 uu rajeynayo inay ardayda kale imtixaanka ku galaan magaalada Baraawe.

 

Si kastaba ha’ahaatee waxaa sanadkan imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare u fariistay illaa 34 kun oo arday ah, kuwaas oo imtixaanka ku galaya 112 Xarumood




Loading...
Loading...