Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubaland oo hadda ku shiraya Dhuusamareeb.

0
Sunday July 19, 2020 - 13:34:16 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubaland oo hadda ku shiraya Dhuusamareeb.

    Doorashadii Jubaland ka dhacday ee uu kusoo baxay Axmed Madoobe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashadii Jubaland ka dhacday ee uu kusoo baxay Axmed Madoobe


Image may contain: 2 people, people sitting, suit, beard and indoor


Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre oo Isku dhinac ah ayaa hadda kulan kula leh magaaladda Dhuusamareeb ee Galmudug Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, kulankaas waxaa soo abaabulay oo labada dhinac isku keenay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor.

 

Kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa sidii qaab is-fahan ah loogu xallin lahaa muranka siyaasadeed ee u dhexeeya Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

 

Madaxweynaha Galmudug ayaa kaalintiisa ka ciyaaraya sidii iyadoo la isfahamsan yahay ay uga qeyb gali lahaayeen shirka Farmaajo, Kheyre iyo Axmed Madoobe.

 

Doorashadii Jubaland ka dhacday ee uu kusoo baxay Axmed Madoobe ayey qaadacday Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo, halkaas ayuuna ka dhashay ismari waaga siyaasadeed ee aqoonsiga la xiriira.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda madaxweynaha Jubaland u aqoonsan in uu yahay Madaxweyne Ku meel gaar ah, Axmed Madoobe isaguna waxa uu isku aqoonsan yahay Madaxweyne aan KMG aheyn oo Jubland leedahay.

 

Jiritaanka shirkan iyo xogaha ku gadaaman waxaa ila wadaagay oo aan kasoo xigtay agaasinka warfaafinta ee Madaxtooyadda Soomaaliya.

Loading...
Loading...