N A B O O - N O O L E E Y S "Gerrymandering"

0
Sunday July 19, 2020 - 09:47:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    N A B O O - N O O L E E Y S "Gerrymandering"

    Nabad & Nolol Warkeedu Wuu Cadyahay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad & Nolol Warkeedu Wuu Cadyahay!

Faarax Nuur, "Rag kaa maarmay, rafiiq kaa tashaday, talo lagaa reebay, meel aan lagaa rabin, indhaha lalama sii raaco".



NN waxay doonayaan wuu cadyahay, waxayna rabina inagaa sadarada dhexdooda ka fahmayna!


* Markuu RW Mudane Khayre  tegay Garoowe 2 sanno ka hor, waxa laga codsaday inuu dekeda Garacad oo ganacsato Soomaaliyeed maal-gashanayeen, si hab maamuuseed ah uun u soo dhagax-dhiggo. Haseyeeshee, RW arintaa wuu diiday! Isku tashi-dheer kadib, Dekedii Garacad wejigii 1aad wuxuu marayaa meel wanaagsan, maraakiibta yar-yarina waxay ku soo xidhan doonnaan November 2020!


* Markuu Madaxweyne Mudane Farmaajo tegay Muunso-Mareeb(Dh-da bedel) waxaa laga codsaday inuu si hab maamuuseed ah u soo dhagax-dhiggo deked la rabbo in laga dhiso Hobyo. Wuuna aqbalay oo soo dhagax dhigay, weliba wuxuu dawlada Qadar ka codsaday inay maal-geliso!


-Warkaasi wuu cadyahaye, sadarada dhexdoodaa jawaabta saxda ahi ku jirtaa....


Maraykanka waaggii adoonsiga dadka madoobi ka jiray gobolada koonfurta ayaa is-adoonsiga jeclaa, halka gobolada waqooyiguna si toos ah uga soo horjeedeen ficilkaa waxshiga ah.


Aqalka Sare ee USA, gobol kastaa wuxuu xaq u  leeyahay 2 senator, iyadoon gobolka loo eegeyn weynaantiisa ama yaraantiisa, dad badnidiisa & dad yaraantiisa toona.


Haddaba, goboladii adoonsiga koonfureed, ayaa damcay inay aqalka-sare ku sad-bursadaan, waxayna soo jeediyeen in deegaanka weyn ee Missouri gobol laga dhiggo si ay 2 senator oo dheeraad ah u helaan.


Goboladii waqooyina ileeyn ujeedka way arkaane, si toos ah bay u diideen sad-bursigaa. Markii la is mari-waayay, ee shaxdii irmaanta ahayd laysku arkay, ayaa dhexda la isugu yimi. Waxaana laysku raacay, in Missouri gobol laga dhiggo, Maine oo waqooyiga ahna gobol kale laga dhiggo, waxaana heshiiskaa loo bixiyay Suluxii-Missouri (Missouri compromise).


*Haddaba, gobolada Sool, Sanaag & Cayn  waxay NN u soo jeediyeen in Maamul-goboleed laga dhiggo si ay metelaadooda u helaan. Laakiin, NN si cad bay arrintaa isaga diideen, iyagoo ku andacoonaya inay  taasi carqaladayn karto wada hadalada Soomaaliland & xidhiidhkooda Puntland.


*Dastuurka qodobka #72 wuxuu leeyay, tirada aqalka-sare waa 54 Xildhibaan oo ay 18ka gobol ee Soomaaliya mid waliba soo xulanayo 3 Xildhibaan (18x3=54). Waxay madaxda NN Magaca Illaahay swt ugu dhaarteen, inay dastuurka (cahdiga-ummadda) u xafidin doonnaan si waafi ah, uguna dhaqmi doonnaan si daacad ah oo shareecada Islaamka waafaqsan.


* Haddana, Gobolka Banaadir oo hal magaalo ah, ayaa soo jeedisay in caasimadda maqaamkeeda oo metelaad leh la siiyo. NN si kal & laab ah ayay markiiba u soo dhaweeyeen, uguna ololeeyeen, waxayna u  ansixiyeen 13 Xildhibaan oo aqalka-sare ah, waloow uu arinkaa aqalka-sare laalay, isagoo u daliishanaya in si xeerka #72 baal marsan loo soo macmilay.


-Warkaasina wuu cadyahaye, sadarada dhexdooda jawaabta saxda ah kala soo bax...


* Deeq-bixiyeyaasha caalamku (Qatar,Turkey, USA, EU, SA, World Bank, IMF, AdB.... iwm) waxay sheegeen inay bixiyeen aduun dhan $2,500, 000,000 (2.5 billion) intii ay NN wadanaka xukumaysay. Lacagta intaa le'eg badankeeda, waxaa lagu qarash gareeyay caasimada iyo nawaaxigeeda, iyadoo inta soo hadhayna lagula dagaalamayay dawlad-goboleedyada & xisbiyada mucaaradka ah.


* Taa bedelkeedana, haddii hay'ad ama dawlad kale damacdo inay caawimo ama taageero amni ku caawiso dawlad-goboleed waxoogaaga khilaaf ahi kala dhexeeyo, markiiba warmaha ayaa lagu boobayay, iyagoo loogu eedaynayo Qaran-Dumisno & magacyo-kale oo turxaan leh! Arintani, waxay u eg tahay fikirkii Kacaanka ee ahaa "Dawladu caasimada ha naaxiso, goboladu iyagaa iskood isaga naaxi doonnee." Waa sidii baabuurka ay reer waqooyigu u yaqaanaan Madax-kanoosha oo kale (One City State)!


Hadaadse yara fahmi weyday sida sadarada dhexdooda loo akhriyo, aan qidcad yar kaaga  qishee, waxay NN is tuseen: in Soomaaliland, Puntland & Jubaland doorasho qof & cod ahi ka dhici karin, sababo kala duwan awgood. Markaa waxay is tuseen, in haday Muqdisho wax kasta ka dhergiyaan deeqo & xildhibaanaba, ay kolkaa HiirShabale & GalMudugna sidaa ku farxi doonnaan. Halka Koonfur-Galbeedna walaalkood Lafta-Gareen shukaantii ay u dhiibteen uu si wanaagsan ugu toocinayo.Halka, xildhibaanada Soomaalilandna isla iyagu ay Muqdisho kasoo xulan doonnaan. Xildhibaanada soo hadhay ee PL, JL iyo kuwa kale ee iyagu madaxa adagna, waxaa u joogta walaashoodii gacanta macaaneyd  ee Qadar-Shaqa-Muqa!


Markaa kor & hoosba waxay isu geysteen formula isku dhaf ah, oo qaybi tahay qof & cod, qaybina tahay soo xulasho, qaybina tahay siciru-suuq, xuluulaysi iyo suxulada ka leef aboowe!


Afka English-ka formulada noocaas ah, waxaa loo yaqaannaa 'Gerrymandering', ana waxaan u aqaanaa NABO-NOOLAYS! Waxaynu ognahay in MW Farmaajo uu ka tirsanaan jiray xisbiga Jamhuuriga Maraykanka, ee aduunka ugu caansan Gerrymandering-ka( Nabo-Nooleyska) , taasaana keentay in midhuhu geedka ay ka baxaan aanay meel ka fog kaga dhicin!


Aboowe, NABO-NOOLAYSka hadaad ku qanacsan tahay, ood weliba doonayso inaad ku karbaashto kuwa kaa fikirka duwan, gartaadu waxay daaran tahay 3 mid inuun:


1) Inaad tahay miskiin aniga oo kale ah, oo ka daalay musuqa, oo aad rabtid inaad mar uun aragto wax sidii hore dhaama, si mar uun bal salka loo dhiggo, khaladaadkoodana laga indho qarsado!


2) Inaad moodayso in NN meel walba ay u biyo-dhigeen sidii roob mahiigaan ah, oo sidaada oo kale goboladu u wada doogsadeen! Markaa waxaadba la yaaban tahay masaakiinta weli meelahaa ka qayl-qaylinaya! 
Hadraawi wuxuu yidhi,
"Habartii docdeediyo
Degalkay ku noolayd
Daruuruhu ku hooreen
Dadka wada hel mooddoo
Daad-wararac bay tidhi"


3) Inaad tahay qof xiribe-cadde ah, oo wax walba og, laakiinse ku faraxsan formulada Gerrymandering ee NABO-NOOLAYSka ah.


Hadaad tahay  qodobada 1aad & 2aad, wax eed ah ma lihid, waayo waxaynu kasoo dheregnay hoog & halaag, inagana waxaa inaga dhergay haad & hanraawe! Waxaadse ogaataa in hadda la soo gaadhay xiligii is-fahamka & isla-xisaabtanka. Waxa loo baahan yahay in dadka dulmiga ka tirsanaya NN aad dooddooda si hufan u dhegeysato, adigoo weliba  ka eegaya baabka xaqa, cadaaladda & dawlad-wada-lahaanshaha.


Hadaadse tahay Mudane Xiriba-Cadde, oo ku qanacsan  tahay cadaalad xumada, dastuur jebinta, dhaar-beenlaynta,  go'doominta, u kala eexashada gobolada, sad-bursiinyaha, iyo dhamaan farsamooyinka NABO-NOOLAYSka, adigana waxaanu kuugu ducaynaynaa inuu Illaahay xaqa ku tuso, walaalnimada & cadaaladda kugu soo dabaalo! Waxaadse xisaabta ku darsataa, horraa loo yidhi "adeer rag-is-gurayee!" Boowe, waxaad isu geysatay oo dhan bul alle hasiiyo, ayuu raggaad dulmiday maamta taagan yahay!


W/Q: Axmed-Assad Awaare
Facebook: Ahmed Assad
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...