Coronavirus: Tiradii Hal Maalin Ugu Badnayd Coronavirus Oo La Diwaan Geliyey

0
Sunday July 19, 2020 - 08:48:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Coronavirus: Tiradii Hal Maalin Ugu Badnayd Coronavirus Oo La Diwaan Geliyey

    "Tirada guud ee dhimashada fayraska corona ee dunida ee maalinlaha ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tirada guud ee dhimashada fayraska corona ee dunida ee maalinlaha ah"

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee loo soo gaabiyo WHO ayaa waxa ay sheegaysaa in xaaladaha cusub ee cudurka Covid-19 ee maalinlaha ah ay ka sara martay rubac malyuun, markii ugu horraysay tan iyo markii uu cudurkaasi dilaacay. Taas oo ka dhigan tiradii ugu badnayd hal maalin.



Sare u kaca ugu weyn ayaa waxaa laga diiwaangeliyay dalalka Mareykanka, Brazil, Hindiya iyo Koonfur Afrika.

In ka badan 600 oo kun oo qof ayaa haatan la og yahay inay cudurkaasi u dhinteen.


Tirada guud ee dhimashada fayraska corona ee dunida ee maalinlaha ah, waxay kor u dhaaftay 7,360 taasi oo ah tiradii ugu badnayd tan iyo 10-kii bishii May.


Maalin ka hora ayay ahayd markii WHO ay diiwaan gelisay tiradii ugu badnayd ee dadka uu soo ridanayo fayraska corna.


Guud ahaan tirada dadka uu haleelay fayraska ayaa kor u dhaaftay 14 milyan oo qof sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins ee uu fadhigeedu yahay Mareykanka.


Dhanka kale waxaa sare u kacay kiisaska fayraska corona ee gobollada Mareykanka gaar ahaan gobolada dhaca koonfurta oo markii hore ka caga jiidayay iney soo rogaan bandowga iyo iney dadka ku khasbaan xirashada maskarada wajiga.


Brazil oo ah dalka labaad ee ugu dhimahsda badan marka laga soo tago Mareykanka ayaa weli waxaa kor u sii socda tirada daka uu soo ridanaya xanuunka.

 

BBC

Loading...
Loading...