"Baashe Xaalkii Aan Siiyay Wuu Diidday, Waxaanse Arrintaas u Gudbinnayaa Garaadkiisa..."

0
Saturday July 18, 2020 - 21:43:54 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Baashe Xaalkii Aan Siiyay Wuu Diidday, Waxaanse Arrintaas u Gudbinnayaa Garaadkiisa..."

    "Baashe Xaalkii Aan Siiyay Wuu Diidday, Waxaanse Arrintaas u Gudbinnayaa Garaadkiisa..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Baashe Xaalkii Aan Siiyay Wuu Diidday, Waxaanse Arrintaas u Gudbinnayaa Garaadkiisa..."

Hargeisa(HWN):-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka hadlay heshiiskii ay wada-gaadheen Xisbiyadda Somaliland iyo Xukuumadda talada haysa ee qabsoomidda Doorashooyinka golaha Wakiillada iyo golaha Deegaanka.


Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Oo ka jawaabey Hadal Boqor ...
"Wixiii lagu heshiiyo ee la isku afgarto Asxaabta siyaasadda wax u taalla maaha ee Shacbiga ay xukumaan ayuun baa jawaab ka celin karra, laakiin kolay wixii Axsaabtu isla qaadato raali baannu ku nahay, balse mid baannu diiddanahay in Xisbi uu muran ka keenno heshiiskaas uu qaatay, markaa Axsaabta waxaan leeyahay wixii aad ku heshiisaan sidiisa u fulliya, shacbigu idinku wareeri maayo haddaad berrito wax kale la timaaddaan, waayo heshiiskaad gasheen waa la hayaa, hadhow-nna ciddii diidda ayuun baa khaldan." Ayuu yidhi Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo u waramaayay telefishanka Bulsho tv.

"Arrinta saami-qaybsigu waxay iila muuqataa in horta aynu doorashadda galno, ka bacdinna hadhow saami-qaybsiga dib loo falan-qeeyo oo ummadda la kala saarro oo la dhigo meel ku habboon oo qof weliba ku qanacsan yahay, laakiin maanta doorashaddii baa inna saarran hadalka saami-qaybsigunna waxba ka tarri maayo. Siyaasadduna waa Cilmi la barto oo jaamacaddaha laga barto, anigu garan maayo dadkani meesha ay siyaasadda ku soo barteen, markaa siyaasiyiinta waynu ku nasiib-daranahay. Hoggaaminta Muuse Biixi aniga way ila toosan tahay oo wax dhibaato ah oo uu leeyahay ma arko, dhaqankanna waa Nin fahamsan oo yaqaanna" Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Isagoo ka hadlaaya Wada-hadalladii Soomaalilaand iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi "Markii aannu codsanaynay Madax-dhaqmeedka ha lagu darro waxaannu ka baqaynay waxyaabahan hadda soo baxaaya, markii aan ka hadlaayayna way ila yaabtay dawladdu, ma idinkaa wada-hadallo geli karra ayay lahaayeen."

"Dacwaddaasi waa khalad,maaddaama aan Anigu (Suldaan Maxamed) ahaan Xaal ka bixiyay, inay Xaalkii qaateen iyo in kale shaki baa igaga jira imika, waayo inay Faysal Cai Waraabe soo qabsaddaan xaq umay lahayn, markaa waxaan leeyahay Madax-dhaqmeedkiinna ayaan Dacwaddayda u gudbinnayaa. Ninka Guddoomiyaha golaha Wakiillada Baashe ee Xaalkaygii diidday ee yidhi Faysal ha naloo soo qabto, maannu filayn oo Xaalkii aan bixiyay inay ku joogaan ayay ahayd, laakiin waxaan leeyahay Garaadadiina ayaannu arrintaas kala xisaabtamaynaa oo ka wada hadlaynaa." Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...