Halkay Ku Danbeeyeen Ardaydii Boosaska Baanaanaday Ku Guulaystay?

0
Tuesday April 16, 2019 - 11:30:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkay Ku Danbeeyeen Ardaydii Boosaska Baanaanaday Ku Guulaystay?

    Hankii iyo Himiladii runta gaadhay markii dawladu sameysay tirakoob xagga shaqaalaha ah iyadoo heshay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hankii iyo Himiladii runta gaadhay markii dawladu sameysay tirakoob xagga shaqaalaha ah iyadoo heshay
dad badan oo ka maqan shaqada balse lacagtoodi la qaato. Taasina keentay in dawladu talaabo qaado ay ku hufayso kuna haadinayso tayada iyo tirada shaqaalaha. Waxa yididiilo gashay dhalinyaro tiro badan oo iyagoo aqoon leh waayay fursad ay shaqo ku helaan ama boosaskii shaqada la yidhi way buuxsameen. Intaa kadib imtixaano ayaa laga qaaday dhalinyaro badan, Waxaana loo sheegay in ay guulaysteen, Waxaana loo furay ama loo qabtay tababaro xagga shaqada ah oo looga gol lahaa kobcinta iyo kor u qaadista shaqada. Si ay u bilaabaan maadaama looga bahnaa inay buuxiyaan shaqooyin banaanaaday. Suaashu se waxay tahay. Maxaa iska badalay Himiladii iyo yididiiladii soo iftiintay.



1 marka laga reebo dadkii gobolada oo iyaga buuxiyay ama badankoodu shaqo galeen. Waxa aan wali meel loo raaco jirin iyo meel loogu soo hagaago dadkii ama dhalinyaradii caasimada ka soo baxay ee buuxiyay shuruudihii shaqo ee looga bahaana. Tusaale ahaan qaar lagu qoray in ay ka hawlgalaan HANTI DHAWRKA oo markii ay xafiiskaa tageen la yidhi wali meel la idin mahayo. Waxa iyana cadeyn ah in aan wali juuq loo odhan qaar kale oo badan kuna guulaystay imtixaankii shaqada kana qayb galay siminaaradii aan kor ku soo xusay. Suaashaan ku soo afmeerayaa waxaa weeye ?

1MA MARKII HORE AYAANAY JIRIN BOOSAS BANAANAA.

2 MA QORSHIHII AYAA HIRGALIWAAYAY? Mise waqti kale ayaa lala sugayaa. Miyaanay fiicneyn in dhalinyaradii rajada loo muujiyay ee iyaguna dadaalay in loo sheego xog iyo xilli sugan.


Waa Qalinkii Qoraa Maxamed Cabdiqaadir Colhaye

Email [email protected]

Loading...
Loading...