Sucaad Carmiye Oo Ka Hadashay Kootadda Haweenka Somaliland

0
Saturday July 18, 2020 - 18:13:52 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucaad Carmiye Oo Ka Hadashay Kootadda Haweenka Somaliland

    "Haweenka Somaliland Waxa Ay Rabbaan Xaq Ay Leeyihiin Oo Ah Matalaadda Baarlamaanka" Sucaad Carmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haweenka Somaliland Waxa Ay Rabbaan Xaq Ay Leeyihiin Oo Ah Matalaadda Baarlamaanka" Sucaad Carmiye

Hargeisa(HWN):-Sucaad Yuusuf Odowaa (Sucaad Carmiye), ayaa sheegtay in Hablaha reer Somaliland ay rabbaan Xaq ay leeyihiin oo ah Matalaadda Baarlamaanka Somaliland inay hellaan, taasoo ay sheegtay in Tacaddiga badan ee Haweenka loo gaystaa uu yarraan lahaa haddii laga qayb-geli Goleyaasha Xeer-dejinta Somaliland.
Sucaad Carmiye Oo Naqdiday Sawirkii Madaxwayne Muuse La Galay ...


Sucaad Carmiye waxa ay farriin u dirtay guud ahaan ragga Somaliland, taasoo ay u soo jeeddisay inaan loo sheegin Xaqa ay Walaashood ku leeddahay, isla markaanna ay iyagu (waa raggee), ay gartaan Masuuliyadda ka saarran Haweenka.

"Waa Xal. Horta dumarku in badan ayay doonnayeen inay qayb ka qaataan Siyaasadda, sida kaliya ee maanta la arkay in dumarku ku soo geli karraan Baarlamaankana ay tahay Kooxo la siiyo Haweenka, iyaddoo la eeggaayo xagga dhaqanka iyo nidaamka dadka lagu soo doorto oo qabyaalad ku dhisan awgeed qasab waxa ah si dumarku qaybtoodda u hellaan Baarlamaanka in Kooto la siiyo. Kootaddu iyaga uun (Haweenka), kuma eka, laakiin intii kale ee doorasho caaddiya ku soo bixi kartaanna way ku soo baxaan. Kootaddu waxay sheegaysaa in tiradda u yar inay dumarku ka heli karraan Baarlamaanka, markaa in badan ayaa loo deddaalaayay in Kootaddaasi hirgasho, markaa maanta haddii ay Baarlamaanka taaggan tahay waxaan u arkaa sax in Kootaddaas Haweenka la hirgeliyo" Ayay tidhi Sucaad Yuusuf Odowaa oo la hadlaysay Telefishanka SAAB TV.

"Dalalkaas qarbiga wax badan baa Haweenka la siiyaa. Anigu waxaan qabaa marka la yidhaahdo Xuquuq binni'aadam, Caddaalad iyo haddii ay tahay-ba Dimuqraadiyad ay Caddaaladdu ka timid Diinta islaamka. Anigu kaadhkan la siiyay dalalkaas shisheeye ee marka Caddaalad la doonnaba la leeyahay Gaalladdaa wadata, anigu waxaan qabaa Diinta Islaamku Caddaalada ay bixiso mid la midi ma jirto, marka horta yaa laga hadlayaa? Waxa laga hadlayaa Inantaaddii, Walaashaa iyo Hooyaddaa, ruuxa dumarka ahi geed kamay bixin ee reer bay ka dhalatay waannad u qirsan tahay waxkasta oo ay ku jiraan Shaqooyinka rafaadka badan, sida inay Tamaandho suuqa ku iibiso, inay afarta habbeenimo suuqa u guurrayso, inay saqda dhexe suuqa jaad ku iibiso, shaqooyinkii kale oo dhan baad u ogoshahay, laakiin maalinta la yidhaahdo dumarku waa inay taladda dalka wax ku yeeshaan ayaa lala soo baxaa waa dhaqan ajaanib iyo Diinta Islaamka kuma jirto, markaa dadka waxyaabahaas sheegayaa way qaldan yihiin" Ayay tidhi Sucuud Yuusuf Odowaa (Sucaad Carmiye).

"Nin reer Somaliland ahoow yaannay ciddiba kuu sheegin Xaqa ay Walaashaa leeddahay, waxa la rabbaa in Haweenku talo ku yeeshaan dalka ay Boqolkiiba %70 ka yihiin. Maanta waxa jira tacaddi badan oo baahsan oo aannu Ninku u darreemayn sida ay gabadhu u darreemayso, meelihii Sharciyadda laga soo saarraayay ee lagu joojin lahaa Tacaddiyaddaas siddeebay xaq u noqonnaysaa waxaasi? Markaa Hablaha reer Somaliland waxa ay raggoodda ka rabbaan Xaq oo ah matallaada Baarlamaanka." Ayay tidhi Sucaad Carmiye

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...