Madaxtooyadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Safarka Dhuusamareeb Ee Farmaajo

0
Saturday July 18, 2020 - 16:26:39 in News by
  • Visits: 1401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Safarka Dhuusamareeb Ee Farmaajo

    Madaxtooyada Soomaaliya Oo Faah Faahisay Socdaalka Madaxweyne Farmaajo Ku Tagayo Dhuusamareeb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Soomaaliya Oo Faah Faahisay Socdaalka Madaxweyne Farmaajo Ku Tagayo Dhuusamareeb


Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Famaajo iyo wafdi la socda galabta gaari doonaan magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.


Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo galabta u tagayo Dhuusomareeb si uu uga qeyb galo shirka Dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyaa xubnaha ka ah.

No photo description available.


Waxa uu sheegay Agaasimaha in shirka ka dhacaya magaalada Dhuusomareeblagu gorfeynayo wada shaqeynta Dowlad federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool leh.


Shirka ka dhacaya magaalada Dhuusomareeb ayaa noqonaya mid xasaasi ah oo isha lagu wada hayo, waxaana shirkan la filayaa in lagu shaaciyo nuuca doorasho ee xiligan dalka ka dhici karta iyo waliba waqtiga la qaban karo.


Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaana si toos ah uga wada hadli doona arimaha doorashooyinka oo ah qodobka ugu xasaasisan ee diirada lagu saari doono shirka ka dhacaya magaalada Dhuusomareeb.

Loading...
Loading...