Ra'iisul-wasaaraha Ethiopia Oo Safar Keddis Ah Ku Tagay Eritrea

0
Saturday July 18, 2020 - 15:49:09 in News by
  • Visits: 1984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul-wasaaraha Ethiopia Oo Safar Keddis Ah Ku Tagay Eritrea

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Safar Deg Deg Ah Ku Tagay Wadanka Eritrea

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Safar Deg Deg Ah Ku Tagay Wadanka Eritrea


Ra’isul Wasaaraha dowlada Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta safar deg deg ah oon horey loo sii shaacin waxa uu ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eretria .




Abiy Axmed iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Asmara kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki , waxaana loo galbiyay Abiy madaxtooyada dalkaasi uu kulamo gaar ah kula qaadan doono Madaxweynaha.


Safarkan uu Asmara ku tagay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa ahaa mid deg deg ah oon horey looga sii warqabin, waxaana safarkan uu kusoo aadayaa xili gudaha Itoobiya gaar ahaan gobolada Oromada kasocdaan rabshado ka dhashay dilka Fanaan caan ahaa.




Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa marar badan safaro kala duwan ku tagay dalka Eretrea , lamana oga safarkan hada uu ku tagay waxa uu daaran yahay iyo waliba waxa ay labada masuul kawada hadli doonaan.


Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale banaan baxyada rabshadaha wata marka laga soo tago wajaheysa cadaadis kaga imaanaya dhinaca dowladaha Masar iyo Sudan ay isku hayaan biyo xireenka Wabiga Niil.

 

 


 

Loading...
Loading...