Mashaariicdii Lagu Heshiiyey Ee Shirkada DPW Laga Filaayey Waxaamaanta Laga Hayaa 3-Da Wiish Ee Baaliga Ah. Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK

0
Tuesday April 16, 2019 - 09:14:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashaariicdii Lagu Heshiiyey Ee Shirkada DPW Laga Filaayey Waxaamaanta Laga Hayaa 3-Da Wiish Ee Baaliga Ah. Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK

    Mashaariicda horumarinta ee aynu ka filaneyney DPW in ay inoo fuliyaan waxaa ka mid ahaa:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashaariicda horumarinta ee aynu ka filaneyney DPW in ay inoo fuliyaan waxaa ka mid ahaa: Mashruuca Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha,Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamahaShidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka, Waxbrashada iyohorumarintakorontada magaalada Berbera,dhismaha Madaarka Berbera.Waxa ku cad nuqulka isfahankain heshiiskii labada garab ee Xukuumadii hore ee Somalilandiyo Shirkada DPWisla qaateen uu qeexayey in balaadhintaDekeda Berbera lagubilaabi doono laguna dhisi doono mudosanad gudihiis ah taa soo dhismuhu ku saleysnaan doonosadexdan weji ee hooseoo kala ah:



1- Phase0 Waxaa lakeeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya (3 Mobile Cranes) 5 Wiishoo raseeyayaal ah ( 5 reachstackers)3Tareele oo containarada qaada ( 3 empty carriers)NewSecurity system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga tiknolajiyada cusub eekumbuyuutarka ah.


Wejigani wuxuu ku kacayaa lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hadaDPW lagama hayo fulinta wejigan in kasta ooqalab yar oo baali ahay DekedoodaJabal Ali ka soo xawawariyeen qalabkaasina uma dhawa umana dhigmo wixii lagu heshiiyey.Waxaa looga fadhiyaa shirkada DPWqalab qiimihiisu yahay $62 million doolar oo dalka dhaxal unoqda .


2- Phase 1Wejigan wuxuu leeyahaywaxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400miyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab. Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera 7 Wiishoo ah kuwa casriga ah ee qaadaisla markaanaraseeyakontaynarada ( 7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejiganilagu maalgelindoonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan ilaa hada lama bilaabin waxaana ay DPW jebiyeen waqtigii lagu heshiiyey in lagu bilaabo wejiganoo sanad ka hor aheyd.


3- Phase 2Wuxuu qeexayaa inwejigan hirgelintiisu ay ku xidhan tahaymar kastasida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase

1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75% ay markaa hirgelinayaan Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay kusoo xidhan karaan ilaa iyo 3 markaboo kale. Qiimaha wejigan 2-aadlaguMaalgelinaayoayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar.


Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaaweji ee sareayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oonoqonaysa lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berberi u soo xareyn jirtayQaranka Somaliland sanad kasta intaan la wareejin.


Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld DekedaBerbera maamulaysaywaxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo dhan oo ay ka mid ahaayeen kuwan hoose:

1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro.


2- In Deked cusub oo 800 mitir ah, la kaladhisto laba jeer oo min 400 mitir ah.


3- In Wadadii Rajada ee Berbera Corridor la dhisto waa ( Wadadda isku xidhidha Berbera iyo Wajaale )taasina maydhicin eeteeniiayaa laynookab-kabayaa.


4- In Madaar Madani ah Berberalaga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufadaimaaraatigu.


5- In aydalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo heshiiska ku jirtay ku waas ooarimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, Dalxiiska,Beeraha , biyaha iyo waxbarashada


6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone )


7- In ay dhalinyarada aqoon yahanka Somaliland Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda Somaliland isticmaalaya. Dhamaan mashaariicdaasi waxaynoqdeen mashaariic male-awaal ah oo cilmi feleg ah oo aan markii horeba wadan halbeeg lagu cabiro, qiime sugan iyo waqtiga ay bilaabmayaan iyo waqtiga ay dhamaanayaan midana, ilaa iyo hadana waxba kama fulin oo waabay dafirsan yihiin qaar ka mid ah mashaariicdaas sida dhamaan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay ku leeyihiim heshiiska kumay jirine eebalanqaad bay ahaayeen ee barwaaqada la suga.


Waxaa khatarteeda leh Khiyaamooyinkadahsoon eemaalkii shacabka Somaliland lagu sameeyey maadaama mar kasta Raadaarka iyo caqiidada Siyaasadeed ee xukumada kulmiye aanay dhaafsiisneyn inla jumladojoharadii ummaddu wada laheyd, Boowe ! Waxaa ummadda JSL u cadaatay in :

1- KiradiiSaldhigaCiidamada Berberauu jeeb khaldanku dhacday, Laakiin ummadda loogu sheekeeyey in aynumashariic dhaafsanay ! Mashaariicdee dee ? ma Wadada lay noo kab-kabaayo !!

2- Kiradii Dekeda Berbera oo Sanado badan la sii qadintay oo aan ku dhicin khasnada dawlada. Maxaa miisaaniyada qaranka loogu dari waayey? " Timir lafbaa ku jirta ".

3- Saamiga JSL ee DPW eeDekeda oo ah 30% oo aan ku dhicin khasnada dawlada laakiin la isku raacay inlagujaxaasoshirkada Somaliland investment Company oo ah Xisaab-socod qarsoon oo khatartiisa leh.


Fiiro Gaar ah :Kadib markii loo kuur galay heshiisyadii ay hore u gashay shirkada Macaashdoonka ah ee DPW Waxaalaysku raacay in heshiiskan ay JSL la gashay uukhatar ku yahay Qowmiyada iyo qaranimada Somaliland. Waxaana la ogaaday in Shirkada DPW hore heshiisyo badan u jebisay uguna fashilantay oo ay qalabkeedii ka furatay Dekedo badan oo Caalamka ah. sida Dekeda Jabouti, Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal, Deked Maleysia ku taala, Deked indonisia ku taal,iyo Deked Mareykanka ku taala.


Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuba Way arkaayaan! Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !!

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA

United Kingdom

London


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...