Bisad Shir Muhiim Ah Ka Hakisay Xildhibaan Ka Ka Tirsan Baarlamaanka UK

0
Saturday July 18, 2020 - 09:27:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bisad Shir Muhiim Ah Ka Hakisay Xildhibaan Ka Ka Tirsan Baarlamaanka UK

    "Dhacadaas, oo la rumeysan yahay inay ahayd tii ugu horreysay ee nooceeda ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhacadaas, oo la rumeysan yahay inay ahayd tii ugu horreysay ee nooceeda ah"

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay shir uu kula jiray guddi xildhibaanno ah, kaasoo qaab muuqaal ah uu uga qeyb galayay.



Shirka waxaa xildhibaan John Nicolson ka qastay bisad gurigiisa joogtay oo seynteeda ku qarisay wajigiisa. Muuqaalka ayaa laga arkayaa xildhibaanka oo bisadda ka codsanaya inay seynteeda dajiso.


Bisadda Mr Nicolson, oo lagu magacaabo Rojo ayaa si lama filaan ah u caan baxday kaddib markii ay seynteeda kasoo muuqatay kaamirada, islamarkaana ay ku qarisay wajiga xildhibaanka oo si toos ah ula hadlayay xubnaha kale ee ay ka wada tirsan yihiin golaha.


Mudaneyaashii kale ayaa iyagoo qoslaya laga arkayay muuqaalka, oo lagu shaaciyay bogga BBC-da.

John Nicolson ayaa markii hore isku dayay inuu iska indha tiro dhacdada, isagoo u muuqday inuu rajeynayay in bisadda ay durba ka dhaqaaqi doonto kaamirada.


Hase yeeshee intaas ka horba waxaa isqabsaday qosolka xildhibaannada kale ee muuqaalka kala socday.

"Rojo, seyntaada daji fadlan," ayuu yiri Nicolson, isagoo la hadlayay bisadda, xilli codkiisa toos looga maqlayay muuqaalka.


Shirka, oo u muuqday mid muhiim ah ayey guddiga xildhibaannada ah ku galayeen qaab maqal iyo muuqaal ah, taasoo sababteeda uu leeyahay xanuunka safmarka ah ee coronavirus.


Tan iyo markii uu cudurkan ku faafay dunida waxaa soo ifbaxayay dhacdooyin lala yaabay oo qabsaday dadka guryaha kasoo shaqeynaya.


Maxkamad laga dhageystay codka biyaha musqusha

Bishii May, maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa kulan ay lahayd laga maqlay codka biyaha lagu shubo musqusha ee wasakhda ka saara.


Garsoorka maxkamadda ayaa dhageysanayay dood ku saabsan kiis maxkamadda horyaallay, balse waxaa mar qura hakad galay howshii amxkamadda kaddib markii la maqlay codka biyaha musqusha.


Ka qeyb galeyaasha dacwadda ayaa doodda ku sameynayay qaab maqal ah, maadaama kulamadii tooska ahaa loo xayiray fayraska awgiis.


Dhacadaas, oo la rumeysan yahay inay ahayd tii ugu horreysay ee nooceeda ah, ayaa noqotay mid taariikhda gashay.


Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafayba waxaa dhacdooyinka noocaas ah ay caadi ka noqdeen shirarka dhinaca online-ka lagu galo.


Inta badan waxaa dhacda in saaxiibbada guryaha shirka kasoo galaya ay illoobaan inay codka iska xiraan marka aysan iyagu hadalka wadanin, taasoo marar badan sababta inuu shirka hakad galo.

 

BBC

Loading...
Loading...