Puntland Oo Somaliland Ku Eedaysay In Ay Colaad Hurin Ka Waddo Gobolka Sool

0
Saturday July 18, 2020 - 09:23:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Somaliland Ku Eedaysay In Ay Colaad Hurin Ka Waddo Gobolka Sool

    "islamarkaana laga hor istaagay in ay taggaan degaankaasi."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"islamarkaana laga hor istaagay in ay taggaan degaankaasi."

Muqdisho (HWN) Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay Colaad hurin ay ka waddo gobolka Sool oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagneyd Xiisad u dhaxeysay labadda maamul.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xassan  ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay ka dambaysay hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Sool gaar ahaan degaanka lagu Magacaabo Horufadhi.

 

Waxaa uu sheegay Wasiirku in Ciidamo ka tirsan  Somaliland ay ku sugan yihiin goobta uu ka dhacay dagaal beleedka, islamarkaana laga hor istaagay in ay taggaan degaankaasi.

 

Wasiir Jaamac ayaa intaasi ku daray, in marar kala duwan oo hore ay dhacday, in Somaliland isku dirtay beelaha deggan SSC, si ay wadajirkooda iyo midnimadooda u wiiqdo, dabadeedna u qabsado dhulkooda, iyadoo marmar siinyo ka dhiganaysa in Ciidamo la kala dhex dhigayo beelaha dagaallamay.

 

Ma jirto wax caddeyn oo ku saabsan hadalka Wasiirka ee ku aadan dagaallada ka dhacay Sool ku luglahaansha maamulka Somaliland.


Loading...
Loading...