Atariishada Caanka Ah Ee Aishwarya Rai Oo Laga Helay Cudurka Covid-19

0
Saturday July 18, 2020 - 08:56:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Atariishada Caanka Ah Ee Aishwarya Rai Oo Laga Helay Cudurka Covid-19

    "Isla sidoo kalena gabadheeda Aaradhya ayaa iyana loo qaaday isbitaal"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Isla sidoo kalena gabadheeda Aaradhya ayaa iyana loo qaaday isbitaal"

Aishwarya Rai Bachchan ayaa loo qaaday cisbitaal kaddib markii laga helay cudurka Covid-19 bilowgii toddobaadkan.



Aktaraddan Hindiga ah, oo horey u ahayd Miss World isla markaana ka mid ah wajiyada ugu caansan Bollywoodka, ayaa lagu dabiibayaa cisbitaalka Nanavati ee magaalada Mumbai, wakaalada ANI ayaa sidaasi werisay.


Isla sidoo kalena gabadheeda Aaradhya ayaa iyana loo qaaday isbitaal, sida ay wakaalada PTI ay werisay.

Aishwarya ninkeeda Abhishek iyo soddoggiisa Amitabh Bachchan, oo labaduba ah jilaa caan ah, ayaa iyana hore ugu yaalley dhakhtarka tan iyo Sabtidii.


Axaddii, Amitabh Bachchan oo 77 jir ah, ahna halyeeyga Bollywood-ka kaasoo caan ka noqday adduunka oo dhan muddadii dheerayd ee uu jilaaga ahaa, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in laga helay Corona


Taxane kale oo qoraal ah oo lagu baahiyey Twitterka oo uu soo dhigay wiilkiisa Abhishek, oo sidoo kale ah isna jilaa caan ah, ayaa xaqiijiyay in isaga, afadiisa 46-jirka ah ee Aishwarya iyo siddeed jirtooda Aaradhya ay sidoo kale iska heleen xanuunkan


Jaya Bachchan, oo sidoo kale iyana ah Aktarad caan ah iyo Amitabh Bachchan xaaskiisa, ayaa se laga waayey oo aan laga helin.

Ilaa iyo hada Aishwarya Rai iyo Aaradhya ayaa ku go'doonsanaa gurigooda.


Warka sheegaya in qoyskan, oo badanaa lagu tilmaamo boqortooyada Bollywood, in uu saameyn ku yeeshay coronaviru,s waa calaamad naxdin badan u ah India oo dhan. Toddobaadkan, kumanaan taageerayaal ah ayaa duceeyay in qoyskani soo kabto.


Jimcihii Hindiya ayaa diwaan gelisay rikoor dhan 35,000 oo kiisas cusub oo coronavirus ah muddo 24 saacadood ah, iyaga sida oo kalena ka sare maray hal milyan.


Waddanku wuxuu hadda yahay dalka saddexaad ee kiisaska ugu badan adduunka, ka dib US iyo Brazil. Tirada dhimashada hadda waa 25,602.


Gobolka galbeedka ee Maharashtra, oo ay Mumbai ku taal, ayaa weli ah meesha ugu weyn ee leh kiisaska ugu sarreeya - in ka badan 280,000 - dhammaan gobollada ayay ka sarreeyaan.

 

BBC

Loading...
Loading...