Dalka Jabuuti Oo Shaaciyay Wakhtiga Ay Furayaan Duulimaadyada Caalamiga Ah.

0
Friday July 17, 2020 - 18:19:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Jabuuti Oo Shaaciyay Wakhtiga Ay Furayaan Duulimaadyada Caalamiga Ah.

    "Wasiirka Gaadiidka dalka Jabuuti Maxamed Muuse Axmed ayaa sheegay ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasiirka Gaadiidka dalka Jabuuti Maxamed Muuse Axmed ayaa sheegay ..."

Hargaysa (HWN) Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday wakhtiga ay furayso duulimaadyada caalamiga ah ee dalkaasi tagijiray, taasi oo markii hore loo joojiyay xanuunka dilaaga ah ee Covid-19 oo kiisas kamid ah laga helay markii hore dallkaasi.



Furitaanka hada ay ku dhawaaqday dawlada Jabuuti inay furayso duulimaadyada caalamiga ah ayaa timid kadib markii kiisaska cudurka Covid-19 ee dalkaasi uu hoos udhacay.


Wasiirka Gaadiidka dalka Jabuuti Maxamed Muuse Axmed ayaa sheegay inay todobaadkan furayaan duulimaadyada caalamiga ah ee dalkaasi.

 

Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intasi ku daray in dhaqaalaha dalka Jabuuti uu hoos u dhacay tan iyo markii ay joojiyeen duulmaadyada Caalamiga,hayeeshee markii ay dib u furaan ay diyaariyeen goobo looga baaro dadka garoonka kasoo dego COVID-19.

 

Wasiirka Gaadiidka dalka Jabuuti Maxamed ayaa sheegay in 18-kii Bishii maarso ee sanadkaan ay joojiyeen duulimaadyada caalamiga ah,kadib markii kiisas badan oo Coronavirus ah laga dalka Jabuuti.

waxaana xayiraada dhinaca socdaalka ah ee lagu soo rogay dalkaasi uu sababay dhaqaala yari baahsan

Loading...
Loading...