Itoobiya Oo Gaashaanbuur La Samaysanaysa Turkiga Iyo Madaxweyne Hore Oo La Kulmay Wasiirka Arimaha Dibada Ankara

0
Friday July 17, 2020 - 18:06:15 in News by
  • Visits: 3544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Oo Gaashaanbuur La Samaysanaysa Turkiga Iyo Madaxweyne Hore Oo La Kulmay Wasiirka Arimaha Dibada Ankara

    Itoobiya Oo Gaashaanbuur La Samaysanaysa Turkiga Iyo Madaxweyne Hore Oo La Kulmay Wasiirka Arimaha Dibada Ankara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya Oo Gaashaanbuur La Samaysanaysa Turkiga Iyo Madaxweyne Hore Oo La Kulmay Wasiirka Arimaha Dibada Ankara


Addis Ababa(HWN):-Dawlada Itoobiya ayaa dedaal badan galinaysa sidii ay xidhiidh diblomaasiyadeed ula samaysan lahayd dalka Turkiga.




Itoobiya oo ay si weyn isku khilaafsan yihiin Masar oo ay isku hayaan biyo xidheenka ay xukuumada Addis ka samaynayso wabiga Niilka ayaa u jeedsatay inay dalka Turkiga oo ay isagana is hayaan dawlada Qaahira.


Wefti ka socda dalka Itoobiya oo uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee dalkaasi Mulatu Teshome iyo wefti uu hogaaminayo oo socdaal ku jooga wadanka Turkiga ayaa kulan la qaatay wasiirka arimaha dibada ee xukuumada Ankara Mevlut Covusoglu.


Weftiga ka socday wadanka Itoobiya ayaa wasiirka arimaha dibada ee Turkiga kala hadlay arimo la xidhiidha iskaashi dhexmara Addis Ababa Iyo Ankara, waxaana kulanka si gaar ah diirada loogu saaray xaalada gobolka Geeska Afrika iyo qodobada muhiimka u ah iskaashiga labada dal.


Wasiirka arimaha dibada Turkuga Mevlut Covusoglu ayaa markii uu dhamaaday kulanka uu la yeeshay weftiga ka socday dalka Itoobiya, waxa uu bartiisa Twitter-ka kaga hadlay waxyaabihii ay ku falanqeeyeen shirkooda.


Wasiir Mevlut ayaa qoraalkiisa ku yidhi "Waxaan kulan midho dhal ah la yeelanay wakiilka gaarka ah ee raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynihii hore ee dalkaasi Mulatu Teshome oo aan ku qaabilay Ankara.”


Wasiirka arimaha dibada ee Turkiga oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxaan isku afgaranay inaan wanaajino iskaashiga aanu ka leenahay dhinacyada oo dhan gaar ahaana ganacsiga iyo maalgashiga.”

Loading...
Loading...