Siyaasi Jawar Mohamed Oo La Horkeenay Maxkamada Sare Ee Itoobiya Iyo Mudo Kale Oo Dib Loo Dhigay Dacwadiisa.

0
Friday July 17, 2020 - 17:06:48 in News by
  • Visits: 1186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Jawar Mohamed Oo La Horkeenay Maxkamada Sare Ee Itoobiya Iyo Mudo Kale Oo Dib Loo Dhigay Dacwadiisa.

    Siyaasi Jawar Mohamed Oo La Horkeenay Maxkamada Sare Ee Itoobiya Iyo Mudo Kale Oo Dib Loo Dhigay Dacwadiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Jawar Mohamed Oo La Horkeenay Maxkamada Sare Ee Itoobiya Iyo Mudo Kale Oo Dib Loo Dhigay Dacwadiisa.


Addis Ababa(HWN):-Hogaamiyaha mucaaridka ah ee qoomiyada Oromada ee dalka Itoobiya Jawar Mohamed ayaa maanta la horkeenay maxkamada sare ee federaalka dalkaasi.


Jawar Mohamed oo hogaamiye u ah xisbiga OFC(Oromo Federalist Congress) ayey maxkamada sare u jartay 14 cisho oo dheeraad ah, wakhtigaas oo boolisku sii wadan doono baadhida cadaymaha uu u baahan yahay si loo qaado dacwada loo haysto siyaasigaas miisaanka ku leh qoomiyadiisa ee ay iskhilaafsan yihiin raysal wasaare Abiy Ahmed.

Jawar Mohammed's red-carpet return signals Ethiopia's political ...


Jawar Mohamed ayaa la soo qabtay laba todobaad ka hor ka dib markii lala xidhiidhiyey rabshado ka dhacay meelo kala duwan oo ku yaala gobolka Oromada kuwaas oo ka dhashay dilka heesaagii Hachalu Hundessa oo ka soo jeeda qoomiyada Oromada.


Sidoo kale maxkamada ayaa u mudaysay in 30 July 2020 mar kale la dhagaysto dacwadaha loo haysto siyaasigan Jawar Mohamed.

Loading...
Loading...