Axmed Madoobe oo Garoowe kula kulmay Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Somaiya

0
Friday July 17, 2020 - 10:29:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo Garoowe kula kulmay Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Somaiya

    "Qoraal kooban oo uu Wasiir Oomaar soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu Garoowe kula kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qoraal kooban oo uu Wasiir Oomaar soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu Garoowe kula kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe"



 

Muqdisho(HWN) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Garowe ayaa halkaasi kula kulmay Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah Wasiiro Siyaasiyiin iyo Xubno kale.

 

Kulankan ayaa laga wada hadlay sidii xal looga gaadhi lahaa Isfahan waaga ka dhashay doorashadii Axmed madoobbe lagu doortay ee u dhaxeeya Jubaland iyo dawlada Somaliya

 

Wasiirada kulanka goobjoog ka ahaa ayaa waxaa kamid ah, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo khilaafka ugu xoogaa uu kala dhaxeeyo Axmed Madoobe iyo Wasiirada Dastuurka iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Qoraal kooban oo uu Wasiir Oomaar soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu Garoowe kula kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe,hayeeshee uu weli sidiisii yahay kala ragti duwanaanshihii ka dhaxeeyay.

 

Kulanka oo  aan weli faah faahin rasmi ah laga bixin ayaa waxaa sidoo kale wararka aan helay ay sheegayaan inay jiri doonaan kulamo kale oo ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb oo uu dhawaan ka dhici doono shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Loading...
Loading...