Sababta Layaabka Leh Ee Keenta In Dumarka Uurka Leh Ay Wallacaan

0
Friday July 17, 2020 - 10:05:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababta Layaabka Leh Ee Keenta In Dumarka Uurka Leh Ay Wallacaan

    "Taas waxaa sii dheer, dumarka marka ay uurka leeyihiin waxaa laga celin karaa raashinka qaarkiis"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Taas waxaa sii dheer, dumarka marka ay uurka leeyihiin waxaa laga celin karaa raashinka qaarkiis"

Maxaa sababa in dumarka uurka leh ay raashinka qaar ku wallacaan? Waxay u badan tahay in jawaabta su'aashaas aysan ahayn waxa aad ku fakareysid hadda.



Dhammaanteen waxaan maqalnaa sheekooyin ku saabsan haween uur leh oo jecel inay cunaan raashinka qaar cayiman oo kaliya. Qaar waxay mar walba u baahan yihiin jallaatada iyo khudaarta noocyo ka mid ah.


Waxaa jira dumar raggooda habeen saqdhexe kaddib u dira bannaanka si ay ugu soo iibiyaan hilib digaag oo la shiilay, iyagoo sababta taas ku kallifeysana ay tahay inay raashinka noocaas ah ku wallaceen.


Badanaa waxaa la sheegaa in wallaca uurka uu yahay baahi ay haweeneyda uurka leh u qabto nafaqooyinka qaar ama uu yahay wax uu cunugga caloosheeda ku jira u baahan yahay.


Laakiin waxyaabahaasoo dhan waxay abuurayaan jah wareer, maadaama aan loo heynin sabab rasmi ah oo la fahmi karo.


Hase yeeshee, haddii aan eegno cilmi baaris dhinaca seyniska ah oo lagu sameeyay arrintaas, waxay noo sheegeysaa xaalad sidaas aad uga duwan.


Seynisyahannada waxay ogaadeen in wallaca dhinaca rabitaanka noocyo ka mid ah raashinka uusan ka jirin dhammaan waddamada dhaqamada kala duwan ee adduunka. Sidoo kale waxaa kala duwan raashinka loo badan yahay in lagu wallaco, marka la isu eego waddamada.


Dalalka aan looga hadlin luuqadda ingiriiska, waxyaabaha ay dumarkooda uurka leh ku wallacaan way ka duwan yihiin kuwa ku sugan Mareykanka iyo Ingiriiska.


Tusaale ahaan, waddanka Japan marka ay dumarka wallacayaan, raashinka ugu badan ee ay jeclaadaan waa bariiska.


Daraasado dhowr ah oo la sameeyay ayaa lagu baaray in raashinka ay dumarka badankood u hiloobaan marka ay uurka leeyihiin ama loo badan yahay marka la eego bulshooyinka kala duwan, ay waxtar dhinaca nafaqada ah u leeyihiin haweenka.


Waxaa kale oo la xaqiijiyay inaysan jirin saameyn dhinaca unugyada jirka ka imaaneysa oo dumarka uurka leh ku kallifeysa inay cuntooyinkaas u wallacaan.


Xaqiiqdii, haweenka cuntooyinka qaarkood ku wallaca waxayba ka dhaxlaan caafimaad darro, sababtoo ah waxay u sababaan inuu miisaan badan fuulo oo ay cayilaan, taasina waxay horseeddaa in dhibaatooyin ay soo wajahaan.


Taasi micnaheeda ma aha in haweenka wallaca ay iyaga arrintaas kas u sameynayaan ama ay tahay wax ay sabab la'aan u maageen, laakiin waa in wallacaas ay keenaan waxyaabo aan la xiriirin dhinaca baahida jirka.


In la eego sababta ay dadka ugu hiloobaan cuntooyinka qaarkood ayaa u baahan in xoogga lagu saaro xogtan, sida ay qabto Julia Hormes, oo ah barfasoor dhinaca cilmi nafsiga ah, kana tirsan jaamacadda Jaamacadda Albani ee ku taalla New York.


Hormes waxay ka qeyb gashay daraasado badan oo lagu baarayay waxyaabaha sababa rabitaanka noocaas ah.


"Tusaale ahaan 50% ka mid ah dumarka Mareykanka waxay soo tabiyaan inay Shukulaatada ama raashinka ay ku jirto u hiloobaan isbuuca ka horreeya marka ay caadada ku dhaceyso," ayey tiri Hormes.


Seynisyahannada waxay baareen in shukulaatada ay ku jiraan maadooyin ay dumarka u baahan yihiin marka ay caadada ku dhacdo, ama in uu jiro isbaddal dhinaca unugyada dumarnimada ah.


Balse dhammaan baaritaannadii la sameeyay laguma helin sababo ka xiriira unugyada jirka, mana jirto maaddo ku jirta shukulaatada oo uu mararka qaar jirka u baahdo.


Arrimahan oo dhan waxay farta ku fiiqayaan in walacca raashinka uu yahay wax ku yimaada dhaqan ahaan ama maskax ahaan oo kaliya.


Xiisaha wayn ee uu qof u qabi karo Shukulaato ama hilib la shiilay wuxuu ka billowdaa rabitaan markii hore iska sahlanaa oo si tartiib tartiib ah u xoogeystay kaddibna noqday wax aan la iska indha tiri karin ama ay adag tahay in si fudud uu qofka isku illowsiiyo.


Haddii aad muddo iska celineysay wax aad u baahantahay, way adkaaneysaa inaad iska joojiso marka aad hesho, sida ay khubarada ku ogaadeen daraasadahooda.


Gaar ahaan, haddii aad markii horeba in muddo ah raashinka qaar iska xakameyneysay - oo maskaxdaada ay ku jirtay in cuntada noocaas ah aan laguu oggoleyn - way adkaaneysaa inaad iska joojiso marba haddii aad gacanta ku dhigto.


Tusaale ahaan, haddii aad hesho hal doolshe, meeshii aad ku qanci lahayd horayna uga sii socon lahayd waxaa sii cuneysaa saddex kale.


Taas waxaa sii dheer, dumarka marka ay uurka leeyihiin waxaa laga celin karaa raashinka qaarkiis iyadoo looga gol leeyahay ilaalinta caafimaadkooda kuwaasoo ay dhakhaatiirta kula taliyaan.

 

BBC

Loading...
Loading...