Maalintii Lixaad Waxaa Quful Saaran Yahay Geersahkii Dayactirka Doonyaha Kaluumaystada Berbera

0
Tuesday April 16, 2019 - 08:27:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalintii Lixaad Waxaa Quful Saaran Yahay Geersahkii Dayactirka Doonyaha Kaluumaystada Berbera

    Maalintii lixaad waxaa Qufulan Xaruntii dayac tirka doonyaha iyo qalabka bada ee Berbera, Sida ila wareedo aad uga agdhaw wasaarada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalintii lixaad waxaa Qufulan Xaruntii dayac tirka doonyaha iyo qalabka bada ee Berbera, Sida ila wareedo aad uga agdhaw wasaarada

xanaanada xoolaha iyo Kulluumaysigu ay sheegeen, xaruntan ayaa waxa Qufushay lataliye Wasiir oo aan bayrolka shaqaalaha ba ku jirin iyo shaqaale hoosaadka waxda kaluumaysiga ee wasarada xanaanada Xoolaha oo awood wasiir oo gaara iyo idmasho hawlihii wasaarada ah ah Haysta.



Magacaygu waa maxamed cigewaxaan ahan jiray agaasime oo ka tirsan wasaaarad kauluumaysiga Somaliya xiligii kacaankii aan la mahadin ee Siyad Bare, waxaan doonayaa haddaba in aan ka hadlo wax iga yaabiyay oo aan hore uga dhicin Jamhuuriyada Somaliland sharciyan iyo sharci daroba. Maalmihii udanbeeyay waxaan arkayay fadeexad wayn oo ka aloosan wasarada xanaanada xoolaha iyo horumarinta kaluuysiga ee Berbera oo ahba halka kaliya ee kaluumaystadu xirfadooda ku xoogasadaan; waxaa iga yaabiyay oo aan qalinka u qatay lataliye wasiir oo qufulay geerashkii dayactirka doonyaha ee kaluumaystada ee Berbera iyo dalkoodhanba u adeegaysa oo waliba kalluumaysatadii wadhatadata ahayd ee qaadaa ma dhargaanka ahayd oo shaqooyinkii maalinlaha ahaa u socdeen ayaa qalabkoodii lagaga xanibay.


Ta kasii darani waa kalluumaysatadan oo aan awoodin in ay maalin gudha nastaan oo noloshooda iyo ta qoysaskoodaba ku biiliya inta yare ee kalluun ah ee ay maalin laha u soo qabtaan. Tolow imisa qoys baa qaday oo noloshoodii nin dibidaati dhergay uu aayar ku tacadiyey? Tolow yaa ka masuula dulmiga iyo fool xumada intaa leeg? "Horaa loo yidhi miskiin baa misko la fuula leh” tanina waxay ku tusaysaa in aan wali dulmiga iyo qaraaba kiilku uu yihiin hore iyo diba u ridayaan danyarta aan codkooda la maqlin ee u qareemida u baahan.


Ta kale ee iga sii yaabisay waxay ahayd xaruntan sida an warbaahinta ku arkaayay waxa u sameeyay kaluumaystada sanduuqa horumarinta Somaliland iyo haya’ado ajanabi ah oo caawinaya kaluumaysatada oo hore ula daaladhacayey dayactirka doomahaa yar yar dhuunigoodu ku xidhan yahay. Aduunyo, tani waxba iskama oga waxa isla ila wareedada aan kor ku soo sheegay ay ii sheegen in raga sidaa ugu tacadiyayaa uu ubadkiisii qurbo qaystay oo waanu waxba kala socon nolosha kalluumaysatada uu ku dibindaabyeynayo. Ninbaa Laga Sheegayay "ma ana waaalan mise cadanbaa laga Heesayaaa” goormaa Somaliland maamulkii dawladnimo sidaa isku rogay in wasiirada qaarkood hawlihii qaranka u igmadaan cid aan xaqba u lahayn shaqaooyinka qaarkood mise kalluumaysigii oo dhanba cid gaara loo xidhay. waayo waxaa joogay wasiir ku xigeenkii iyo agaasimihii guud ee wasaarada midna wasiirku muu aaminin ee lataliyihiisii ayuu u dirtay in uu qufulo geerashkii dayactirka ee kaluuumaystada berbera iyada oo aan ilaa iminka la sheegin sababta dhabtaa.


Mida kale, waxa kale oo jacelahay in aan hoosta ka xariiqo mar hadaan kolayba qalinka qaatay in marka horeba deg deg iyo khalad aan laga fiirsan ahayd in labadaa wasaaradood miisaankaa leh laysku daro. Laba laysku daroba mahaa ismana qabanayaan.


Anigu waxan aaminsanahay in badan oo dadka aanu isku mihnada nahayna ila qabaan in ay ku haboon tahay in la kala qaado. Anigu In badan Ayaan Kasoo Shaqeeyay wasaarada kaluumaysiga aqoon igu filana waan u leeyahay wasaaradaha waxsoosaarka markaa waxaan aamin sanahay in labaduba culus yihiin, xoolo iyo kaluun isma qaadaan waxaan kutalin laha labadan wasaaradood mid waliba baahiyo gaara ay leedahay waxaana haboon in lakala madax banaaneeyo oo waax waliba hesho maamul u gaara oo kafaala qaada baahiyaheeda.


Dhanka kale wasaarada kaluumaysigu waa ta kaliya ee manta loo baahan yahay in la maalgaliyo oo lagu jiheeeyo dhalinyarad kasoo baxay jamacadaha oo sii kordhaysa ,laakiin ta maanta dhacday waa curyaamin kaluumaystada ah iyo wasaaradaba, waxaana ugu baqayaa madaxwaynaha Somaliland in uu madax banaaneeyo wasaradaa oo uu wasiir cusub u magacabo ama mareeye madaxbanaan waana sida kaliya ee kor loogu qaadi karo wax soo-sarka kaluumaystada.

Agaasime hore maxamed cige

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...