Farmaajo Oo Loogu Baaqay Inuu Diido Baaqa Dhuusamareeb

0
Friday July 17, 2020 - 10:02:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Loogu Baaqay Inuu Diido Baaqa Dhuusamareeb

    "Xukumadda ayaa soo gudbisay, baarlamaankuna wuu ansixiyay in la qabto doorasho qof iyo cod ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukumadda ayaa soo gudbisay, baarlamaankuna wuu ansixiyay in la qabto doorasho qof iyo cod ah"

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.



Maxamed Cumar Dalxa, oo ka mid ahaa ilaa iyo lixdan xildhibaan oo ka qeynbgalay kulankaasi ayaa BBC-da u sheegay iney kala taliyeen madaxweynaha inuu iska diida waxa ka socda Dhuusamareeb. Waxa uu sheegay in maamul goboleedyada aysan sharci u heysan inay go'aan ka gaaraan doorashada dalka oo ay baarlamaanku mar hore soo saari sharciyaddii loo mari lahaa oo ah qof iyo cod.


Kulanka hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee dhawana ka dhacay Dhuusmareeb ayaa laga soo saaray qaraar dhigaya in dalka aysan ka dhaci akrin doorasho qof iyo cod ah oo wakhtigeedii dhacda. Hase yeeshee, Dalxa ayaa sheegay in baarlamaanka uusan arrintaas aqbali doonin maadama uu la ansixiyay sharciyadii doorashooyinka.


"Xukumadda ayaa soo gudbisay, baarlamaankuna wuu ansixiyay in la qabto doorasho qof iyo cod ah. Waxaa lagu khasban yahay in la raaca sharcigaasi. Annaga waxaan xaq u leenahay inaan arrintaa kala talina madaxweynaha", ayuu yiri xildhibaan Dalxa.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa isna shalay ku gacanseyray baaqa maamul goboleedyada.


"Ma jirto meel ay sharciga uga qoran tahay in waqtigan la galo doorasho dadban. Dhammaan shuruucda la xiriirta doorashada waxay go'aannadooda u yaallaan golaha Shacabka. Maamul goboleedyada iyo xukuumadda federaalka wax saameyn ah kuma laha arrintaas," ayuu yiri Mursal.


Muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka ayaa ku eg dabayaaqada sanadkan, halka tan madaxweynahana ay ku beegan tahay bisha February ee sanadka xiga ee 2021-ka.


Muran xooggan ayaa hadda ka taagan sida ay u dhici karto doorasho waqtigeeda waafaqsan, xilli ay jiraan walaacyo ku aaddan muddo korosi.


Muddo korosi

Cabdisalaan Guuleed oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya oo BBC-da u warramay ayaa sheegay ineysan haatan suurgal hayan in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.


"Cidkasto oo ku adkeysata in Soomaaliya sannadkan ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo, ha ahaadeen baarlamaanka amaba guddiga doorashada, taasi micneheedo waxa uu yahay in loo qoryaguranayo ku darsasho waqtiga hadda jira oo dowladda loogu daro sabatoo ah waxa dhiman waa afar bilood oo kaliya."


Cabisalaan oo la weydiyay in kala aragti duwanaansha nooca dooraho ee dalka ka dhceyso ee keeni karto khilaaf hor leh ayaa sheegay:


"Hadii aan doorashada waqtigeeda lagu qaban, hadii lagu darayana aan la isla ogolaanin, waxaan is leeyahay Soomaaliya waxaa ku imaan kara caqabado aad u weyn oo runtii keeni kara iney waxbadan hallaabaan"


Maxaa dhici doono hadda?

Maalamaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo Shirka u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyadoo looga hadli doono arrimaha doorashada.

 

BBC

Loading...
Loading...