Dawlada Soomaaliya Oo Albaabada U Laabtay Garoonka Diyaaradaha Ee Baladweyne Iyo Sababta Keentay

0
Thursday July 16, 2020 - 17:12:27 in News by
  • Visits: 1457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Albaabada U Laabtay Garoonka Diyaaradaha Ee Baladweyne Iyo Sababta Keentay

    Dawlada Soomaaliya Oo Albaabada U Laabtay Garoonka Diyaaradaha Ee Baladweyne Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Albaabada U Laabtay Garoonka Diyaaradaha Ee Baladweyne Iyo Sababta Keentay


Muqdisho(HWN):-Dawlada Federaalka ah ee soomaaliya ayaa albaabada iskugu dhufatay madaarkii diyaaradaha ee magaalada Baladweyne.

Maareeye cusub oo loo magacaabay Garoonka Diyaaradaha magaalada ...


go'aanka dawlada federaalka ahi ay ku xidhay madaarka Baladweyne ayaa ka dhashay ka dib markii guddi xaqiiqo raadin ah oo loo diray shilkii diyaaradeed ee dhawaan ka dhacay soo gudbiyeen xog.


Axmed Macalin Xasan agaasimaha duulista rayidka Soomaaliya oo ka mid xubnaha booqday garoonka Ugaas Khaliif ayaa sheegay inuu sii xirnaan garoonka, inta uu ka socda baaritaanka lagu hayo waxa sababay diyaaraddii ku burburtay halkaasi.


Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay ku guulaysteen in ay diyaaradda ka soo bixiyaan labada santuuq ee kaydisa xogta, halkaasna laga ogaa doono waxa sababay shilka diyaaradeed ee ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.


Waxa kale oo uu intaasi ku daray in garoonka muddada uu xiran yahay ay ka nadiifin doonaan burburka diyaaraddii ku dhacday gudaha garoonkaasi.

Agaasimaha duulista rayidka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay wax ka bedali doonaan howlaha garoonkaasi, islamarkaana ay geynayaanshaqaale iyo galab.


Si kastaba ha’ahaatee hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo la shaaciyey in shilkii diyaaradeed ee dhowaan ka dhacay garoonka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan uu sababay Dameer soo galay dhabaha loogu-talagay inay diyaaradaha ku ordaan.

Loading...
Loading...