Turkiga oo Sheegay inaanay Cunoqabateyni ka Dhalaynin Hubka ay ka Iibsadaan Ruushka

0
Tuesday April 16, 2019 - 08:11:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo Sheegay inaanay Cunoqabateyni ka Dhalaynin Hubka ay ka Iibsadaan Ruushka

    Ankara(HWN)- Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in iibsiga difaaca gantaalaha ee ay ka iibsanayaan dalka Ruushka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ankara(HWN)- Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in iibsiga difaaca gantaalaha ee ay ka iibsanayaan dalka Ruushka aanay keenayn cunaqabteyn uu Maraykanku ku soo rogo dalkooda.


Wasiirka difaaca Turkiga ayaa sheegay in dalkoodu uu qayb ka yahay is-bahaysiga gaashaanbuurta NATO oo aanay ka soo horjeedin Maraykanka, hase yeeshee uu dhacay heshiiska iibsiga nidaamka difaaca gantaalaha oo ay Ruushka ka soo iibsanayaan, Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay Turkigu ku jirayaan heshiiskii ay la galeen Maraykanka ee ay ku soo iibsanayeen diyaaradaha dagaalka ee F-35.



Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay inay ka baxayaan heshiiska ay Turkigu kula jiraan ee iibsiga diyaaradaha F-35, haddii ay soo iibsadaan nidaamka difaaca gantaalaha ee S-400, Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka Mr. Mayk Bombeeyo ayaa hore u sheegay haddii ay Turkigu soo iibsadaan difaaca gantaalaha Ruushka inay waajihi doonaan ciqaab, isla markaana ay la kulmi doonaan cunaqabteyn.


Wasiirka difaaca Turkiga ayaa ku celceliyey inay wadahadal dhinaca farsamada ah la yeelan doonaan Maraykanka si ay uga wada hadlaan soo iibsiga nidaamka difaaca gantaalaha Ruushka.


Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...