Guddoomiye Mursal laba Arrin isma qabatee kala daaya"Taabit Cabdi"

0
Thursday July 16, 2020 - 11:53:41 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Mursal laba Arrin isma qabatee kala daaya"Taabit Cabdi"

    Cid walba oo aaminsan in awoodda lagu celiyo shacabka oo ay soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cid walba oo aaminsan in awoodda lagu celiyo shacabka oo ay soo




Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ahaa in aysan aqbaleyn doorasho dadbadan,isla markaana la qabanayo doorasho qof iyo Cod ah.

 

Taabit Cabdi waxaa uu sheegay in talada dalka in Shacabka lagu soo celiyay ay wanaagsan tahay,hayeeshee Guddoomiye Mursal iyo Baarlamaanka ay dadka ka daayaan laba arrin oo is qabaneyn,kuwaas oo kala ah doorasho qof iyo Cod ayaan qabaneynaa iyo xildhibaannada qaar kuraastooda meeshey rabaan ha u qaatan.

Cid walba oo aaminsan in awoodda lagu celiyo shacabka oo ay soo doortaan wakiilladooda waxa uu naga mudanyahay ammaan iyo taageerid, laakiin waxaa muhiim ah is waafajinta waqtiga dhiman iyo dhaqan galinta hannaan ay dadweynuhu kaalin mugleh uga noqon karaan doorashada soo socota.

 

Hadalkii maanta ee guddoonka Baarlamaanku wuxuu ka turjumayaa dareenka inta badan shacabka oo rajo weyn ka qaba iney xilligan doortaan cida mataleysa ama iyagaba la soo doorto, laakiin Guddoomiye Mursal iyo xubnaha Baarlamaanka waxaan lee yahay labo arrin isma qabatee kala daaya. Doorasho qof iyo cod ah ayaa naga go’an iyo xildhibaannada qaar kuraastooda meeshey rabaan ha u qaatan oo hab maamulkii doorashada ah, isma qabatee ee kala daaya.

 

Dhinacyada siyaasaddu waa in aaney shareysan hadii la heli karo cod shacab iyo nidaam doorasho oo axsaab ku dhisan, waxaase muhiim ah in laga dooddo maxaa macquul ah, sidee iyo xiligee, iyadoo mar walba niyadda lagu hayo baahidda Shacabka ee ah iney codkooda ku jiheeyaan masiirka Qaranka.


Loading...
Loading...