Farmaajo & Inka Badan 100 Xildhibaan Oo Go'aan Mideysan Ka Qaatay Nooca Doorasho Ee Dalka

0
Thursday July 16, 2020 - 11:52:02 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo & Inka Badan 100 Xildhibaan Oo Go'aan Mideysan Ka Qaatay Nooca Doorasho Ee Dalka

    In kastoo ay xilligaan adag tahay in la qabto doorasho Qof iyo Cod

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In kastoo ay xilligaan adag tahay in la qabto doorasho Qof iyo Cod


Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo tiradooda lagu sheegay inay ka badan tahay 100 Xildhibaan ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan gaar ah kula qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Xildhibaannada ayaa waxaa ay Madaxweyne Farmaajo kala hadleen arrimo la xiriira doorashooyinka dalka maadaama waqti yar ay u hartay Dowladda uu hoggaamiyo, iyaga oo dalab hor-dhigay.



Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen ayaa Wararka la helay waxaa ay sheegayaan in Xildhibaannada ay Madaxweyne Farmaajo in uu cadeeyo Mowqifkiisa ku aadan Doorashada Dalka, iyaga oo u sheegay inay doonayaan in aan la ogolaan Doorasho dadban, isla markaana la fuliyo Sharciga Doorashooyinka Dalka Doorashaduna ay noqoto mid Qof iyo Cod ah.

 

In kastoo ay xilligaan adag tahay in la qabto doorasho Qof iyo Cod ah ayaa hadana waxaa dhowr jeer Madaxda sare ee Dowladda ay sheegen in la qabanayo doorasho qof iyo Cod ah,waxaana Saamileyda Siyaasadeed ee dalka ay sheegeen in aan la qaban karin doorasho qof & Cod ah Madaxooyada Soomaaliyana ay dooneyso muddo kororsi.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweyne Farmaajo uu Xildhibaannada u sheegay inuu tegi doono Magaalada dhuusamareeb,isla markaana wixii uu la soo kulmo taladooda uu iyaga kusoo celin doono.

 

Tallaabadaan ay qaadeen Xildhibaannada ka tirsan Golaha Shacabka ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa saacado,kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu sheegay in aysan aqbaleyn doorasho dadban,kadib markii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ku shiray Dhuusamareeb ay sheegeen in aan la qaban karin doorasho qof iyo Cod ah.


Loading...
Loading...