Hargeysaay Anaa Kaa Hurdee Laguma Haysteene ( Abdi-Shotaly)

0
Thursday July 16, 2020 - 09:38:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysaay Anaa Kaa Hurdee Laguma Haysteene ( Abdi-Shotaly)

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

Ilaahi raali ha ka ahaadee Ahmed Ismail Diriye ( Qasim) baa gabay uu Hargeysa kaga hadlaayo tiriyey 1984kii, wuxuuna ka mid yahay gabayadii halgankii dad-weynahu, ay qoriga u qaateen dib u xorayn-tooddii. Ee reer Somaliland ay kala soo hor jeedeen, dad-la-moodkii Faqashta ee xoolihii iyo cashuurtii dadka Somaliland laga qaaday, damcay inay ku cabudhiyaan dad weynaha. Qaasim wuxu arkay dayacaadda ka muuqatay Beertii Xorriyadda (Hargeisa),waagaas wuxuuna yidhi isagoo la hadlaaya Reer Hargeisa, tixdda aan hoos ku soo sheegi doono. hadaba maanta ayaa ay maraysaa meel ka sii xun, oo wixii uu af-weyne ka xishooday, qaar ay isku hayb sheegana-yaan kula kacayaan ummaddii, Ruuxaa xadtooyo xoole dad-weyne lagu qabto dil bay ahayd ama in uu soo celiyo, asakriganina waabu fasaxay oo uu yidhi " Booba yaa wadani. Wax kale-ba iska daayoo, guryahii cagaf inta la geliyey, xataa ay arimo aanay Yuhuudu kula kicin falastiin uu askarigu ku dhaqaaway, taas oo ah in uu masaajidaddii ka dumiyo " Dogoble" ay rabbi ku caabudi jireen. oo uu askarigan kala wareegsani, wajaqani, bilaa maskaxdda ahi ee aan ka lagu guuro qabini, uu farta ka saaray walaalahii, caruur-tiisa, kuwa habla-hiisa qaba, kuwa uu abtiga u yahay iyo inta wax la boob-tana uu u kala qaybiyey, sidaas awgeed maanta bay Hargeysi dib u xorayn u baahan tahay, waana tan tixddii ee ku soo dhawaw:-

 

1. Hargeysaay anaa kaa hurdee laguma haysteene

2. Haddaan soo hanbaabiri lahaa heec ma noqoteene

3. Horaad dacara kuma nuujiseen hooya beenihiye

4. Halaq iyo abees kuma gam'een hadhacyadaadiiye

5. Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaansadaye

6. Hantidaada muu weerareen horor wax boobaaye

7. Hareertaada lama soo fureeen haaway doobadahe

8. Haweenkiyo caruurtaad lahayd lama halgaadeene

9. Hablahaaga muu guursadeen haybti garanwaaye

10. Hog dalluuna kama qayliyeen hanadadaadiiye

11. Hanuunshiyo indheergaratadii hode ma dhaafeene

12. Hadhaa laguma sheegeen raggii noo horrayn jiraye

13. Hoos looma eegeen kuwii hawlkarka ahaaye

14. Hoosaasiyaal uma shireen horumarkaagiiye

15. Maad hoos dhigteen labada sacab hooge baadiyahe

16. Habro looma doorteen golihii haybadda lahaaye

17. Hiirtaanyo iyo ciil wadnuhu ima hiqleeyeene

18. Haasaawaha iyo sheekadii lama hagoogteene

19. Ninna hadalka kama dhawrsadeen kuu hagaag bidoe

20. Hootada afaysani boqnaha igama heerteene

21. Dhammaan hooballadi may qaxeen hibadu saarrayde

22. Hogyaqaanadaadii murtida lama halleyeene

23. Heesaagi lama quudhsadeen hiray cadaawaaye

24. Hayeeshee habeen guulleh baad heli ayaan dhow'e

25. Had aan sii fogeyn waxad sugtaa heego iyo roobe

26. Hillaac caafimaadbaa ku mari hogol daruureede

27. Heeryada ragbaa kaaga furi hub iyo baaruude

28. Hiddo-dhalad wixii aan ahayn waa lagaa hudine

29. Hor ilaahay waan kaa xorayn hawshan kuu timiye

30. Insha-Allah home nabadgelyaa lagugu soo hoyne

 

 

Waxaas uu ku sheegaayo Illaah ha u naxariisto'e " Qaasim" Maansadda sare ku taala, marka loo eego ta saaka ka taagan, af-weyne bikh, oo faataxadda baad u akhriyeysaa, Qof reer Somaliland ahi isma lahyn tan baa kuu dambayn doonta, waa kaaf iyo kala dheeri aan isu dhawayn. dugaag ayax dhalay iyo aboor is wata, oo reer walba leh baa ku qamaamay, wixii aad degta qoriga u saarteen, ee aad geeridda iyo xanuunka ugu badheedheen. Maanta bay taagan tahay, in Hargeysi dib halgan ay u gasho, oo ay iska ridaan caada-qaatahan dhul boobka ku waashay, lagana xoreeyo wuxuushtan isku xeertay hantiddii ummadda, oo debedda looga saaro macaan jeceshan ku habsatay, wax kale-ba ha sii joogeene, Ilayn waa kan hadda u soo dhigtay baloodhaddii dan yarta, markii wixii kaloo dhan la engejiyey, yuug iyo yamaauugan aan dhergayn ku soo fasaxay, kolkuu ka haagay, kuna kibray hantiddii ummadda inta ay foodda isu geliyeen iyakii. kuwaas mabda'ii istcmaarka haysta ee ahaa " Qaybi oo xukun" Waxan ku soo xidhay, haddii aad ka tashan weydaan duulkan ku jira guriggii Moorgan " Xaafad-tooyadda" Hargeysa ee ummadda gebley-shimbirta khiyaaliga ah ku maaweeliya iyo tolaayeey yaa reer hebel ah, uguna kala saaray jifo-jifo, Markay xeedho iyo fandhaal kala dhacaan, baad garan doon-taan malaha hadda uma jeedaane. kolka hore kama fiirsataan, marka askari xumi, sidda kan khariban iyo geenyo shaaximani idinku sare tagaan, baad hadhaw oohin la soo jeesataan. sidaana kama kortaan, marka taladu joog-tona meel baas oo reer hebel ah baa nin dan lehi, idinku fushadaa waxa uu doonaayo. kolkuu kaadhka idinka marsadana idin ma yaqaan, waa sidda hadeer taagane.

* N.B Hanti-daada muu weerareen horor wax boobaaye .

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...