Isu-eekaanshaha Dhacdooyinka: Khilaafkii C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde, Farmaajo iyo Khayre.

0
Thursday July 16, 2020 - 09:33:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isu-eekaanshaha Dhacdooyinka: Khilaafkii C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde, Farmaajo iyo Khayre.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay



Cabdilaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde”AHU”

Adduunka waxa inta badan soo mara dhacdooyin xidhiidh meel badan ka wadaaga. Khilaafkii u dhaxeeyey C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde wuxuu meelo badan ka shabbahaa khilaafkan hadda ka dhex taagan Farmaajo iyo Raysal wasaarihiisa Khayre. Sidii uu Raysal wasaare Nuur Cadde cagaha isugu maray madaxweyne C/laahi Yuusuf, ayuu Raysal wasaare khayrna cunaha kaga maran yahay Farmaajo. Cabdilaahi Yuusuf oo ciyaarta qaybtii hore ka soo adkaaday Raysal wasaare Cali Maxamed Geeddi, ayaa badhtamihii sannadkii 2008 ay mar kale is-qabteen Nuur Xasan Xuseen (Nuur-cadde).


Waxa la isku qabtay xil ka qaadis uu Nuur Cadde ku sameeyey guddoomiyihii gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheer), oo ahaa saaxiib aad ugu dhaw Cabdilaahi Yuusuf. Cabdilaahi Yuusuf wuxuu liqi kari waayey in la ugaadhsado dadkii isaga ku dhawaa, halka Nuur Caddena uu liqi kari waayey inuu madaxweynuhu ka hadlo guddoomiye gobol oo shaqadiisa ah. Ka dib Cabdilaahi Yuusuf wuxuu qaaday dhawr tallaabo oo ay ugu horrayso inuu si hoose ula heshiiyo wasiirrada oo ay is-casilaan si meesha looga saaro Nuur cadde. 13 wasiir oo isugu jira ku xigeeno iyo wasiiro ayaa hal mar is-casilay, Nuur cadde oo ka hortagaya dagaalka siyaasadeed ee Mudugaysan ayaa markiiba soo magacaabay beddelkoodii.


Iyada oo khilaafku cirka marayo, ayaa labadoodiiba looga yeeshay Adiis Ababa oo wakhtigaasi arrintooda laga goyn jiray. Waxa lagu kala saxeexday heshiis dhigayey in dib loo soo magacaabo 13 xubnood ee wasiirrada iska casilay oo la aragti ahaa madaxweynaha iyo in aan dib loo soo celin duqii gobolka Banaadir Maxamed Dheer. Markaa garo oo Nuur cadde wuxuu aqbalay soo celin duqa gobolka Banaadir, halka uu ka tanaasulay inay dib u soo noqdaan xubnihii is-casilay.


 Nuur cadde wuxuu isku dubaritay inuu xubnaha baarlamaanka si hoose ula heshiiyo, si aanay ugu codeyn soo noqoshada xubnaha is-casilay. Markii heshiiskii baarlamaanka la horkeenay ayaa ay diideen inay ansixiyaan xubnihii hore isu casilay. Halkaasi ayaa qaybtii hore ciyaarta lagaga adkaaday Cabdilaahi Yuusuf. Shakhsiyan labadan masuul waxa u dhexeeyey kala duwaansho abuuri ah. Cabdilaahi Yuusuf qofka ay is-haystaan waa laga garan jiray inay col yihiin oo wejigiisa ayey ka muuqan jirtay, halka Nuur-cadde aan weligii muuqaal ahaan iyo hadal ahaanba laga garan jirin cidda ay col yihiin. khilaafkaasi oo heer kala duwan soo maray aakhirkii wuxuu keenay inuu Nuur-cadde laba uu isla helay, kow taageerada beesha caalamka iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan beesha Hawiye. Ka dib Cabdilaahi Yuusuf ayaa is-casilaad ku dhawaaqay 29/12/2008. Wuxuu yidhi beesha caalamka ayaan caddaadis kala kulmay.


Farmaajo iyo Khayre

Dawladda Farmaajo ayaa dhawr jeer si fagaare ah ugu faantay in aanay is-khilaafin madaxweynaha iyo Raysal wasaaruhu, hasayeeshee taasi imika meesha way ka baxday. Shakiga iyo khilaafka u dhexeeya labadan masuul ee haatan xilka haya, ayaa curtay ka dib kulankii dhexmaray labadii madaxweyne ee ka horreeyey Farmaajo oo aanu wax kaalin ah ku lahayn Raysal wasaare Khayre. Kulankaasi booskii Raysal wasaare Khayre waxa fadhiyey oo sida muuqatay lagu beddelay taliyaha sirdoonka Fahad Yaasiin. Raysal wasaaraha ayaa kulankaasi u arkayey mid isaga meesha lagaga saarayo oo uu Farmaajo heshiis qarsoodi ah kula galaayo.


Wuxuu Raysal wasaaruhu is-tusay in Farmaajo mucaaradkiisa isaga sasabaayo inuu Raysal wasaare iyo lacag u ballan qaado si ay u taageeraan oo meesha looga saaro Khayre. Taasi beddelkaad ayuu Khayre qaatay go’aan u gaar ah oo ka dagaallamo qorshaha isaga ka dhanka ah. Xulufada Farmaajo la safan waxa ugu tunweyn, Fahad Yaasin, Raysal wasaare ku xigeenka Khadar iyo guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Mursal. Raysal wasaaraha ayaa haysta taageerada inta badan madaxda maamul-gobleedyada, guddoomiyaha aqalka sare iyo xayn yar oo ka tirsan golaha wasiirrada. Khayre wuxuu ka cabsi qabaa haddii ay muddo kordhini timaado in isaga uu Farmaajo meesha ka saarayo, oo Raysal wasaare cusub oo mucaaradka uu ka soo xusho Farmaajo lagu beddeli doono. Markaa waa inuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaa sidii meesha looga saari lahaa waxa muddo korodhsi ah.


Amarkii ciidamada Hadhimacadka lagaga saaray magaalada Dhuusamareeb waxa toos u bixiyey Khayre oo kalsooni ka haysta madaxweyne-goboleedka Galmudug Qoor Qoor. Markaa fursada ay heleen maamul-goboleedyadu waxa soo salaxay Khayre oo taageero ka haysta inta badan madaxda maamul-gobleedyada iyo guddoomiyaha aqalka sare. Haddaba waxa ay su’aashu tahay keebaa daaqada laga saari doonaa?


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

 [email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...