Safiirka Shiinaha Ee Somaliya Oo Si Kedis Ah U Baajiyey Safar Uu Toddobaadkan Ku Iman Lahaa Hargeysa

0
Thursday July 16, 2020 - 09:06:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Shiinaha Ee Somaliya Oo Si Kedis Ah U Baajiyey Safar Uu Toddobaadkan Ku Iman Lahaa Hargeysa

    "Danjire Qin Jain oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Danjire Qin Jain oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho"

Hargeysa(HWN)- Safiirka Shiinaha ee u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Qin Jain ayaa si kedis ah u baajiyay Safar uu doonayay inuu ku yimaaddo Magaalada Hargeysa.

 

Danjire Qin Jain oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa doonayay inuu Isniintii Toddobaadkan uu socdaal ku yimaaddo Caasimadda Hargeisa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Warar Xog-ogaal ah oo Geeska Afrika helay ayaa xaqiijayay in Safiirka Shiinuhu uu saacadihii u dambeeyay ee Isniintii baajiyay safarkiisa, waxaanu soo raaci lahaa diyaaradda Air Jabuuti ee isaga gooshta magaaloyinka Jabuuti, Hargeysa iyo Muqdisho.

 

Sababta baajisay Safiirka ayaa la xidhiidha farriin deg-deg ah oo uga timid dawladiisa iyo inay la xidhiidho dhinaca Somaliland oo uu dareemay inaan soo dhawayntiisa diyaar loo ahayn.

 

Safiirka Shiinaha ee Muqdisho ayaa tan iyo markii uu soo baxay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, wuxuu bilaabay qoraallo uu ku baahinayo barta uu ku leeyahay Twitter ka oo uu ku durayo xidhiidhka curdinka ah ee Somaliland iyo Taiwan.

 

Xigasho: Wargeyska Geeska


Loading...
Loading...