Madaxweynuhu Kama Fal-celin Weedhihii Xanafta Lahaa Ee Masuuliyiinta Xukuumaddu U Geysteen Gobollada Bari

0
Thursday July 16, 2020 - 06:30:40 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynuhu Kama Fal-celin Weedhihii Xanafta Lahaa Ee Masuuliyiinta Xukuumaddu U Geysteen Gobollada Bari

    Madaxweynuhu Kama Fal-celin Weedhihii Xanafta Lahaa Ee Masuuliinta Xukuumaddu U Geysteen Gobollada Bari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynuhu Kama Fal-celin Weedhihii Xanafta Lahaa Ee Masuuliinta Xukuumaddu U Geysteen Gobollada Bari

Hargeisa(HWN):-Madaxweynuhu kama fal-celin Weedhihii xanafta lahaa ee Masuuliinta Xukuumaddu u geysteen Gobolada Bari:

Wasiir xigeenka Arrimaha Gudaha:Sanaag waa gobol aafo ah, baga Ilaahay kaaga keeney,


Guddomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda: waad nasiib badan tahay haddaan Saraar lagugu tuurin;


Tiimbaro: Cerigaabo wixii wax garanayey way ka tageen, dad caamo ah oo qabyaalad iyo aargoosi uun garanaya baa isugu hadhay,

Ina Kaahin oo reer cerigaabo uga ashkatoodeen meel ka dhacyada bariga lagula kacay, baa dadkii ugu jawaabay, ” waan idinka raali-gelinayaa qan-jiidhada yar, laakiin adkaysta annagaba intaa waa nala qan-jiidhinayaaye!

waar adigu yeelkaaye, sidee baad aflagaado ummad dhan iyo gobolo dhan looga caam yeelaa?

Oday Biixi arrintaas kama fal-celin, sababta aan qoraalka u daahiyey waxan sugayey in madaxweynuhu arrintaa ka fal-celiyo. Hase-yeeshee markuu ka aamusay, ra'iisul-wasarihiisiina arrinkiiba ku qiimeeyey qan-jiidho , hadda xitaa qanjaruufo maaha, ayaan soo xusuustay dhacdo berigii Maxamed X. Ibraahim Cigaal dhacday:

Cigaal oo Jabuuti u dudaya ayaa Madaxweyne xigeenkiisi Daahir Rayaale hambalyo u direy munaasabaddii xorriyadood ee 27kii Juun.

Cigaal si deg deg ah ayuu jaraa’idka iyo radyawga uga baahiyey in Hambalyadaasi ay tahay mid Rayaale keliya ku kooban aanu Somaliland kaga wakiil ahayn.

Haatan, haddii oday Biixi nimankii sida xun u hadlay tallaabo ka qaadi waayey, ma odhan kariwaayey, "waa reer Bariyaw, naxligan ay masuuliintaydu shubayso lama qabo, weli madaxweyne baan idiin ahay!”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan

Loading...
Loading...