Maxay ka Wada hadleen Abiy Axmed iyo Inanta Trump?

0
Tuesday April 16, 2019 - 07:54:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4078
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka Wada hadleen Abiy Axmed iyo Inanta Trump?

    Addis-ababa(HWN)- Ra'iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa la kulmay gabadh uu dhalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis-ababa(HWN)- Ra'iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa la kulmay gabadh uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka oo la yidhaahdo Ivanka Trump oo ah la taliyaha gaarka ah madaxweyne Trump oo booqasho ku tagay Itoobiya.


Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed, waxa kulankaas lagaga hadlay arrimaha guud ee dantu ugu jirto labada dal ee Itoobiya iyo Maraykanka.



Ivanka Trump waxay Itoobiya ka wadaa qorshahaHorumarinta caalamiga ah ee haweenka, gaar ahaan sidii looga xoojin lahaa dhinaca dhaqaalaha.


Mrs. Ivanka Trump waxay hore ula soo kulantay Madaxweynaha Itoobiya Mrs. Sahle-Work Zewde oo ay ka wadahadleen hannaanka loo xoojin karo haweenka, waxaanay sheegtay in Aqalka Cad ee Maraykanku ay horseed ka yihiin sidii haweenka looga xoojin lahaa dhinaca dhaqaalaha oo ah ujeeddada safarka ay ku tagtay Itoobiya.


Gabadha uu dhalay madaxweyne Trump waxa la sheegay in socdaalkeeda Afrika qaadan doono muddo afar maalmood ah.


Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...