Madaxdhaqameedka Warsangali Ee Ku Sugan Hargeysa iyo Dareenadda Ku Xeerran
Hargeysa(HWN)-Salaadiinta,Boqorka,Cuqaasha iyo Madaxdhaqameedka Beesha Warsangali ee Toddobaadkii u Dambeeyay ku Sugnaa Caasimada Hargeysa, ayaa siweyn uga biyo diidey Siyaasiyiin Kasoo jeeda Beesha oo hore, Xilal uga Soo qabtey Xukuumadihii hore ee Somaliland kuwaas oo Beesha Warasangali iyo Madaxdhaqameedka hadda Xiliga ku jooga Socdaalka Hargeysa ugu Suntan innay yihiin Caqabadii kala hortaagneyd Beesha Warsangali iyo Xukuumada Somaliland, kuwaas oo ay ku Tilmaameen in ay Xilalkooda ku dhawrsan Jireen danahooda gaarka ah iyo Dano Shaqsiyeed haseyeeshee, aaney Wax tixgalin ah Fursad usiinin Guud ahaanba Bulshada iyo Shacabka Deegaanada Beesha Warsangali.
Siyaasiyiintan ay Sida Weyn uga Biyo
diidsan yihiin Madaxdhaqameedka Beesha Warsangali ee ku Sugan Xiligan Caasimada
Somaliland ee Hargeysa, oo ay Kamid yihiin Wasiirkii hore ee Wasaaradda
Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirkii hore ee Kaluumaysiga Cali
Jaamac(Buureed), iyo Wasiirkii Xukuumadii Udub ee Ciyaaraha Maxamuud Siciid
Maxamed, ayaa la sheegay in ay Labadii Maalmood ee u Dambeeyay Iska Soo
Xaadiriyeen Munaasibado Casuumado ah oo lagu Sooryeeyay Madaxdhaqameedkaasi,
iyagoo ujeedadoodu Tahey in ay Sawir la galaan Ergooyinkan oo ay Si Xoogan
hadda isu fahmeen Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahey, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
Islamarkaana, la filayo in ay ka wada hadlaan arimo khuseeya danta Bulshada iyo
sidii Xukuumadu Wax uga Qaban laheyd duruufaha Adeegyadda aasaasiga ah ee laga
hagradey Mudo dheer Waxaanay Talaabadan isku soo dhex tuurka ahi Guux badan ka
abuurtey Munaasibadaha lagu Maamuusayay Madaxdhaqameedkan, oo ay Xubnahaa
Wasiirada hore ahaa si indho iskuqabasho ah isugu soo dhex tuureen iyaddoo aan
Martiqaadka lagu soo Casuumin loona yeedhin si ay Sawir ula galaan.
"Waxaan aaminsanahay anigoo
kamid ah Waftiga Odoyaasha Warsangali ee Labada Suldaan Boqorka iyo Cuqaashu
hogaaminayaan ujeedadii aanu u nimid halkani in ay aheyd in aanu Wax cad oo
Macquul ah isla taabano Xukuumada taas, oo ay hadda rajo Fiicani nooga
iftiimayso, xaqiiqdiina ma dhacdeen Talaabadani haseyeeshee, Waxa ay maanta ku
Suurtagashey habayaraatee majirto Cid Nakala dhex taagani oo Caqabad ku ah
sidii Mudo dheer jirtey in Dano shaqsiyaad loogu dhexeeyo Xukuumada Somaliland
iyo Beesha Warsangali Waanu ognahay in aanay marna naga gacan madhneyn laakiin
Shakhsiyaad la Saaxiib ah Shakhsiyaad halkan Deegaanadayada ku sugan ayaa
Shuraako ku ahaa Runtiina maanaan Filayn innay Raggii Qaar kamid ahi intay
Maanta indhaha isku Soo qabtaan ay Ergadayada soo dhex fadhiistaan oo Sawir
nala galaan Labada Wasiir ee Xukuumadii hore Cadami iyo Cali Buureed iyo Ina
Siciid oo Xukuumadii Rayaale katirsanaa ayaa meel kasta oo nalaku Casuumayo
indhaha isku soo qabanaya Xaasha,e Maanta Waa is qarin lahaayeen Cali Buureed
Waa Ninkii Sanaag Bari iyo Laas-qorey Shabaagtii Kaluumaysiga u quudhi Waayay
ee Berbera ku iibsadey iyadoo lawada arkayo, Cadamina Wuu garanayaa 40kii Nin
ee uu Saaxiibka la ahaa ee uu Dadka Deegaanadaas oo dhan, Maxamuud Siciidna
Waxaan odhan lahaa adiga Xisbigaagii iyo Xukuumadaadii Waa dhacdey ee Garoonkii
Dhahareed sidii ayuu u Qaawan yahey"Sidaa Waxa yidhi Oday Axmed Maxamuud
oo kamid ah Waftiga Madaxdhaqameedka Beesha Warsangali ee Ku Sugan Caasimada
Hargeysa.
Waxaanu intaa ku Darey hadalkiisa "Waxaan halkan dardaaran uga jeedinayaa Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Cadaaladda Cabdirisaaq oo ah Nin aad u Macquul ah Waxaan Leeyahey, si aydaan isku Seegin Bulshada Deegaanada Warsangali iyo Xukuumaddaadaba ka Feejignaw oo Waxba yaanay hoosta kaasoo galin Nimankaa Siyaasiyiinta ah ee hore ugu Fashilmay Xidhiidhkii Shacabka iyo Xukuumada Somaliland" Ayuu hadalkiisa kusoo gunaanadey Odey Axmed.
Ergooyinka Beesha Warsangali ee Maalmihii u Dambeeyay ku Sugnaa Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ku guda jirey Kulano iyo Martiqaad ay u Fidiyeen Beelaha Somaliland iyo Masuuliyiinta Xukuumadu ayaa lagu Waddaa innay Dhawaan la Kulmi Doonaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si ay uga Wada hadlaan arimaha Maxsuulka ah ee ay Weysada usoo Biyaysteen.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland