Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Manhajka Dugsiyada Sare Ka Saartay Suugaanta Abwaano Caan Ah

0
Wednesday July 15, 2020 - 15:35:52 in News by
  • Visits: 3023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Manhajka Dugsiyada Sare Ka Saartay Suugaanta Abwaano Caan Ah

    Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Manhajka Dugsiyada Sare Ka Saartay Suugaanta Abwaano Caan Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Manhajka Dugsiyada Sare Ka Saartay Suugaanta Abwaano Caan Ah


Hargeysa(HWN):-Wasaarada waxbarashada somaliland ayaa manhajka dugsiyada sare ee maadada soomaaliga ka saartay gabayo ay lahaayeen abwaano caan ahi.


muwaadin mawliid Muuse Dacar ayaa soo bandhigay abwaanada ay wasaarada waxbarashadu gabayadooda ka saartay manhajka dugsiyada sare, qoraal uu soo saaray ayaanu ku yidhi:-

Gabayadii Afqallooc iyo Qorane oo manhajka Somaliland Laga Saaray iyo Abwaanno Cusub Oo Lagu Buunbuuninayo.

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Dacwad Ka Gudbisay Qaar ...


Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa buugga fasalka afraad ee dugsiga ka saartay gabayada kala ah:


1. Macallimiiinta iyo ardayda oo uu tiriyay abwaankii weynaa ee Xaaji Aadan Af-qallooc, oo ku qornaa bogagga 41-42 ee manhajkii la daabacay 2016ka.


2. Cilmigu waa iftiin oo uu curiyay gabayaaga caanka ah ee Axmed Colaad Digaale (Qorane) oo ku qornaabogagga 43-46 ee manhajkii cusbaa ee soo baxay 2016ka.


Labadaas gabay ayaan geli ahaan ku jirin daabacaad cusub oo la soo saaray 2020ka. Lama yoga sababta lagu duray maansooyinka labadaas Abwaan ee waaweyn ee Soomaalida magaca ku leh.


Geesta kale, iyada oo gabaydaas qiimaha badan la saaray waxa ka buuxa maansooyin uu tiryay Xasan Qalinle oo ah Ku-xigeenka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, ahna madaxa maaddada Soomaaliga ee wasaaradda waxbarashada, ahna ninka bixiya tababarrada Afka Soomaaliga, ahna qoraha gaarka u diyaariyay buugga fasalka 4aad ee laga saaray Qorane iyo Afqallooc.


Lama taaban gabayada dadka ka soo jeeda Gebiley iyo Galbeedka Hargeysa. Manhajka wuxuu u muuqda mid lagu beegsanayo taariikhda dad dalka u dhashay, laguna buunbuuniyayo beel kale.


Mid ka mid ah maansooyinka Xasan Qalinle ayaa la yidhaahdaa Harada Figtooriya, waxaanay ardaydu bareyaasha ku yidhaahdaan "Macallin, harada Figtooriya ma Somaliland bay ku taalla?". Waa wax aan dhinacna ka soo gelin kobcinta garaadka ummadda. Waxa kale oo uu ku leeyahay maanso labaad. Waa nin ka soo jeeda deegaanka Madaxweynaha Somaliland.


Wax-ka-beddelkan waxa talo ku lahaa Agaasimaha Xafiiska Manaahijta Cabdilaahi Yaasiin Diiriye oo xilkaas haya illaa intii Somaliland jirtay. Lama talo gelin qoreyaashii buugta oo uu ka mid ayaa Abwaan Maxamed Axmed Beddel. Gabayga Xus Abwaan oo Qorane curiyay waa la quseeyay, waxaana laga reebay dhawr sadar oo aan micne lahayn.


Manhajka waxa 2016kii lagu daray in Muuse Biixi Cabdi lahaa Aragtida aasaaska Guurtida 1988kii, waxaana Guurtida ka dhisay 1983kii oo uu Guddoomiye u ahaa Suldaan Xasan Bulbul Alle ha u naxariisto,e.


La soco Qaybta labaad ee qallooca la geliyay Manhajka.

Mawliid Muuse Dacar

Loading...
Loading...