Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Sii Jeeda Maamulka Galmudug

0
Wednesday July 15, 2020 - 15:08:48 in News by
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Sii Jeeda Maamulka Galmudug

    Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Sii Jeeda Maamulka Galmudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Sii Jeeda Maamulka Galmudug


Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Axmed Shire Maxamed oo loo yaqaano (Falagle) oo u warramay warbaahinta ayaa ka warbixiyey safarka la filayo inuu dhowaan madaxweynaha Soomaaliya ku gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimada gobolka Galgaduud.

The Big Cheese: Why President Farmaajo holds so much hope for ...


Falagle ayaa sheegay in qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ay haatan ka socoto deegaanada Galmudug, gaar ahaan gudaha magaalada Dhuusamareeb.


Wasiirka ayaa xusay in madaxweynaha uu ka qeyb-galayo wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo uu tilmaamay inuu furmi doono marka laga soo laabto aaska ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo ka dhacaya Garoowe.


Ma shaacin wasiirka warfaafinta Galmudug waqtiga rasmiga ah ee uu bilaabanayo shirka, balse wuxuu carabka ku dhuftay inuu dhici doono waqtiga ugu dhow.


Valueimpression Placeholder

Ammaanka ayuu sidoo kale sheegay in aad loo adkeeyey, islamarkaana ay u diyaar xoogan wadaan ciidamada ammaanka Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Shirka Dhuusamareeb ee u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo doorashooyinka dhacaya dhammaadka sanadkan 2020 illaa 2021.

Loading...
Loading...