Urur Goboleedka Igad Oo War Ka Soo Saaray Doorashooyinka Soomaaliya

0
Wednesday July 15, 2020 - 14:53:00 in News by
  • Visits: 962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Urur Goboleedka Igad Oo War Ka Soo Saaray Doorashooyinka Soomaaliya

    Urur Goboleedka Igad Oo War Ka Soo Saaray Doorashooyinka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Urur Goboleedka Igad Oo War Ka Soo Saaray Doorashooyinka Soomaaliya


Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay meertada 36-aad ee Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa ka warbixiyay hannaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u xakameysay ugana hortagtay cudurka safmarka ah ee COVID-19, saameynta xooggan ee cudurkan uu ku yeeshay dalkeenna iyo geeddi socodka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee dalka.



Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku wada xiriireen mareego gaar ah oo dhanka internet-ka ah (Video-conference) ayaa ku saabsanaa horumarrada laga gaaray dadaallada xal u helista colaadda dalka Suudaanta Koonfureed, qorshaha dalalka IGAD ay ku wajaheen cudurka COVID-19 iyo qodobo kale oo la xiriira arrimaha iskaashiga iyo is dhexgalka dhaqan-dhaqaale ee dalalka Gobolka.


Gebagebadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray bayaan ku saabsan xaalada Somalia oo u qorna sidatan:-

WAR-SAXAAFADEED

Waxaan bogaadinaynaa wadaxaajoodka socda ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee uu garwadeenka ka yihiin madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’isul wasaarae Abiy Axmed, waxaanan rajaynaynaa inay nasoo gaaraan warbixinada ku saabsan horumarka ay guddiyada farsamo ka sameeyeen wadahadalka ee ku aaddan xal waara.


Waxa uu shirka xusey doorashooyinka heer federaal ee soo wajahan, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dan-wadaagta Soomaaliya ay muhiimadda saaraan danaha dadka Soomaaliyeed, iyaga oo u maraya in ay gaaraan wadar-ogol ku saabsan doorashooyinka soo socda.


Waxaa na dhiirogaliyay horumarka Dowladda Federaalka ay ka gaartay sidii loo xaqiijin lahaa doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan heerka caalamiga ah, waxaana lagu tirtirsiiyay dhammaan dhinacyada in ay ka qeybqaataan habkan taariikhiga ah ee Soomaaliya.


Waxa uu shirka soo dhoweeyay dedaalada Dowladda Federaalka ugu jirto in ay qabato wada hadalo loo dhanyahay oo ay la yeelanayso Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka sidii loo gaari lahaa wax la’isku waafaqsanyahay , gaarista nabad waarta iyo midnimo qaran;


Waxa uu shirka boggaadiyay AMISOM, dalalka ay ciidamada ka yimaadeen iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, qatarihii ay qaateen iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen, iyaga oo si joogto ah uga awood roonaada ururada argagixisada ah iyo kooxaha dambiyada abaabulan, iyada oo la isla xusey in Ciidanka Xoogga Dalka uu mas’uuliyadaha sugista Amniga la wareegay, iyaga oo door hormuud ah ka qaatay sidii muwaadhiniinta iyo dadka degen Soomaaliya ay badqab ugu noolaan lahaayeen.


Waxaa loo mahadceliyay Bah-wadaagta Caalamka taageerada ay ka geysanayaan dhismaha nabadda iyo hannaanka dib u dhiska dagaaladii Soomaaliya kadib.


Loading...
Loading...